“”Farmaajo wuxuu sameystay Jabhado hubeysan oo rag la garanayaa ku jiraan.” Wasiir M Kaahin

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahi Axmed, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo inuu sammaynayo jabhado hubaysa. isagoo Wasiirku hadalkan ka sheegay Madaarka Hargeysa, ka dib markii isaga iyo wefti la socdaa ay ka soo laabteen shir ay u tegeen Nairobi.

”Farmaajo wuxuu sameystay Jabhado hubeysan oo rag la garanayaa ku jiraan oo uu doonayo in uu kula dagaalmo Somaliland, sidaa daraaadeed, waxba kuma jabna in aynu la kulanno cid kasta oo dowladda Farmaajo mucaarad ku ah ayuu ku jawaabay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Wafdiga Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo halkaa ka waday kulamo kala duwan oo siyaasadeed.