Faysal Cali-waraabe oo eedeeyay murrashaxiita ka soo horjeeda

0

Hargeysa(Berberanews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Musharrixiinta tartanku ka dhexeeyo ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Cirro eedo culus u jeediyey.

Waxa uu Musharrax Faysal ku eedeeyey Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi inuu Somaliland gacantiisa ku burburinayo haddii loo doorto Madaxweyne. Sidoo kale, ayuu Musharraxa Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku eedeeyey inuu yahay Basaas Soomaaliweyn u adeegaya oo haddii Madaxweyne loo doorto uu Soomaaliya Dadka geynayo, sida uu hadalka u dhigay Faysal, inkasta oo aanay jirin wax caddaymo ah oo uu soo bandhigay.

Musharrax Faysal Cali Waraabe waxa uu arrimahaas iyo qodobbo badan oo kale-ba, kaga hadlay Khudbad uu ka jeediyey Maalintii ugu dambaysay ee Ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbiga UCID u lahaa oo Taageerayaasha Xisbigaas ee magaalada Hargeysa oo Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa soo cammiray uu kala qaybgalay isu-soobaxooda u dambeeyey ee Maanta qabsoomay. Waxaannu Khudbadda Musharrax Faysal Beerta Xorriyadda ka jeediyey Maanta idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-