Fifa Oo Xaqiijisay Inay Tijaabin Doonto Tiknooloojiyada Xariiqda Goolka.

0

(Berberanews Sports):- FIFA ayaa ku dhawaaqday in tiknooloojiyada xariiqda goosha inay tahay mid hal talaabo u soo dhawaaneysa in la dhaqan geliyo, hadii tijaabada soo socota lagu guuleysto.

Gudida caalamiga ee kubada cagta (IFAB), oo dhaqan gelisa sharciyada, ayaa haatan tijaabadii labaad marsiineysa tiknooloojiyada ka caawineysa garsoorayaasha in goolka uu dhashay iyo in kale.

Dooda arintaan ku saabsan ayaa mar kale dib u soo kacday ka dib markii tuush uu tuuray Juan Mata ka caawisay Chelsea wadadii ay ku garacaeen xalay Tottenham.

Muuqaalo laga daawaday TV-ga ayaa muujinaya in garsoore Martin Atkinson inuu si qaldan gool u ansixiyay, iyadoo kubada la arki karaayay in ay dhaafin xariiqda goolka.

IFAB ayaa go’aansan doonta 2da bisha July  hadii tiknooloojiyada goolka laga dhaqan gelin doono ciyaaraha kubada cagta.

Fifa ayaa xaqiijisay in tijaabo la sameyn doono ka hor inta aanay IFAB go’aan qaadan: “Qorsheyntii ugu danbeysay ee tijaabada wajiga labaad waxaa la qabtay jimcihii, waxaana tijaabada la qaban doonaa ka hor dhamadka April, waxaana ay sii socon doontaa ilaa bisha May” ayay tidhi FIFA.

Waxaa jira labo tiknooloojiyad oo tijaabo ku jira islamarkaana IFAB ay qiimeyneyso; Hawkeye, waa kamerad tilmaameysa in kubada ay dhaaftay xariiqda goolka iyo in kale, waana mida loo isticmaalo ciyaarayaha Cricket-ka iyo Tennis-ka, tiknooloojiyada labaad waa GoalRef, taasoo kubad qalab ku xiran yahay si ay u tilmaamto in goolka uu dhashay iyo in kale.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports