Franz Beckenbauer Iyo Fifa Oo Ku Baaqaya In La Badiyo Isgacan Qaadista Ciyaartoyda.

0

(Berberanews Sports):- Ciyaartoyda waa inay isku gacan qaadaan bartamaha garoonka ka dib marka ay ciyaarta soo dhamaato, ayuu yidhi madaxa guddi  ka tirsan FIFA Franz Beckenbauer.

Guddigan uu madaxa u yahay halyeeyga Jarmalka ayaa la yidhaahdaa Task Force Football 2014 waxaana uu ka kooban yahay quburo isboorti oo loogu talo galay inay wanaajiyaan kubada cagta iyo muuqaalkeeda guud.

 

Xiddigii hore ee Jarmalka ayaa yidhi: “Marka ay ciyaarta soo dhamaato waxaan qabaa inay muuqaal wanaagsan tahay marka garoonka si wadajir ah looga baxo iyadoo aan la diideynin in la isgacan qaado”

Guddigan ayaa daawaday dhacdooyin kala duwan oo arintaas ku saabsan oo ay ka mid aheyd finalkii koobka adduunka ee 2010.

Arintan ayaase soo kacday markii dhawaan Luis Suarez oo lagu ganaaxay sideed kulan ka dib markii lagu helay inuu cunsurinimo kula kacay Evra uu diiday inuu gacan qaado dhibanihiisa 11kii Febraayo.

Suarez ayaa si kastaba, raaligelin ka bixiyay arintaas.

Beckenbauer ayaa sheegay in arintaasi oo kale ay tahay inaysan dib danbe u dhicin.

Guddigan qubarada ah ee Task Force ayaa waxaa aasaasay madaxweynaha FIFA Sepp Blatter si loo horumariyo muuqaalka guud ee kubada cagta ka hor koobka adduunka ee 2014 lagu qabanayo Brazil.

Waxaa qubaradan ka mid ah halyeeyga reer Brazil Cafu, Kalusha Bwalya oo ah madaxweynaha xidhiidhka kubada cagta Zambia oo bilowgii bishaan xulkiisa uu ku guuleystay koobka qaramada Afrika.

Beckenbauer oo madax u ah ayaa soo jeediyay in kooxaha ay tahay inay si isku mid ah garoonka uga baxaan marka qeybta hore ee ciyaarta ay soo dhamaato, islamarkaana marka ay ciyaarta dhamaato ay saftaan bartanka garoonka iyagoo isgacan qaadaya.

“Arintaani waxa ay aheyd wixii aan ku sameyn jirnay iskuulka” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waxaan aaminsanahay inay tahay in si isku mid ah loo soo galo garoonka islamarkaana si isku mid ah looga baxo”.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports