Furashada ururada siyaasadeed waa xaq Dastuuriya

0

“Umaduhu waxa ay ku kala horumareen sidii ay u ilaashadeen xuquuqahooga iyo waxa shuruucda dalkoogu siisay ,,

Siyaasadu waa halka dalku ka hagaago ama ka xumaado mana aha wax in kooban iyo kooxi gaar u leedahay ee waa xaq iyo xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta oo dalka jamhuuriyada Somaliland ahi , in loo ilaaliyaana ay tahay waajibaad dastuuri ah oo saaran hayadaha ku shaqada leh iyo xukuumada.

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa lagu dhaqaa oo umadu ku heshiisay waa dastuurka iyo xeerarka qaranka jamhuuriyada Somaliland , markaa dastuurka dalku waxa uu si cad u qeexayaa in ay siyaasada dalku tahay saaxad furan oo muwaadin kastaa xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato sida ku cad qodobada dasturka ee kala ah ;

Qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , nidaamka siyaasadeed ee dalka .

1- Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad , talo wadaag , dimuqaradiyad , iyo hanaanka xisbiyada badan .

2- Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.

3- Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah , waxa reeban in xisbi lagu dhiso goboleysi iyo qabyaalad.

Qodobka 22naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland ,Xuquuqda siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo xaqa doorashada .

1- Muwaadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka.

2- Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo waxa uu xaq u leeyahay in la doorto ,waxna uu doorto.

Qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is-abaabulka .

1- Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga , waxa u xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dago meel kasta oo uu doono , iyo waliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono.

2- Arimaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa ka reeban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebayo marideeda ama degideeda .

3- Muwaadiniintu waxa ay xor u yihiin in ay isku habeeyaan ururo siyaasadeed , cilmiyeed , dhaqameed , bulsheed , xirfadeed ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka .

4- Waxa reeban urur kasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha umada , ama qarsoodi ah , ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka waji kasta ha lahaadeene.

Waxa sadexdan qodob ee dastuurka soo raacay oo adkaynaya oo si wanaagsana u sii cadeynaya Xeer.Lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo uu qodobkiisa 6aad odhanayo sida tan;

Qodobka 6aad kala reebida xisbiyada/ururada ku tartamaya doorashada golaha deegaanka

1- Sadexda xisbi/urur ee doorashada dawladaha hoose ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa xisbi qaran lana siinayaa shahaadada aqoonsi xisbi.

2- Hadii hal xisbi oo kali ahi ku guuleysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta . gudidu waxa ay u aqoonsanaysaa xisbiyo qaran isaga iyo labada xisbi ee ku soo xiga isugeynta codadka boqolayda gobol kasta.

3- Hadii ay is leekaato tirada boqolayda gobolada ee laba urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa tirad guud ee codadka ay ka helaan (hal dheeri ).

4- Hadii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxa ay gudigu u aqoonsanayaan xisbiyo qaran sadexda xisbi ee ugu tiro badan codadka doorashooyinka tirada boqolayda gobolada dalka .

5- 10 kii sanadoodba mar baa la abuuri karaa ururo siyaasadeed si waafaqsan xeerkan , hase yeeshee waa in urur siyaasadeedka la abuuraa 6 (lix) bilood ka hor maalinta la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka .

Haddaba waxa isweydiin leh iyada oo aynu arkayno sida dastuurka iyo xeerarka dalka jamhuuriyada Somaliland u adkeeyey una ilaaliyey xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee axsaabta badan , in aan ilaa maanta la garanayn qaabka loo furi doono ururada siyaasada somalililand oo ay ka hadhsan tahay mudo koobani?

Sida uu dhigayey xeer lr 14 waxa ay ahayd in doorashada golaha deegaanka lagu furo ururada siyaasada , haddaba hadii la is raaciyey doorashadii deegaanka iyo wakiilada oo la mudeeyey in ay dhacaan sanadkan 31-05-2021 sidee loo furi doonaa ururadii siyaasada oo ah xaq iyo xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland?

Xiligani aynu joogno axsaabta siyaasada ee jirtaa ma yihiin kuwii dastuurka dalku sheegay , oo ma buuxiyeen ujeedooyinkii loo sameeyey mise waxa ay hayaan wado aan tii aheyn dalkani kaga badbaadayey hadimooyinkii shuruucda laga sameystay ?

Jawaabaha su’aalahani waa kuwa muwaadin kuu yaalla oo ay tahay in aad ugu jawaabto si wadaniyadi ku dheehan tahay adiga oo ka fekeraya mustaqbalka dambe ee dadkaaga iyo dalkaaga .

Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)