Fure 50 sano ka hor lumay oo uu qof aan la aqoonin soo celiyay

0

Fure qarnigii 11-aad loo sameeyay albaabbada dhisme ku yaalla UK ayaa dib loo soo celiyay kaddib markii uu lumay 50 sano ka hor.

Furan ayaa hadda lagu wareejiyay xarunta ka shaqeysa ilaalinta dhaqanka iyo aasaarta ee loo yaqaanno English Heritage.

Qof aqoonigiisa qariyay ayaa furaha u diray xarunta, wuxuuna sheegay in uu “amaahday sanadkii 1973-dii2, isagoo soo raaciyay warqad ay ku qoran tahay: “Waan ka xumahay sida aan ula soo daahay.”

Samantha Stone oo ka tirsan maamulka Xarunta English Heritage ayaa sheegtay in qofka dib usoo celiyay furaha aanu la kulmin wax dhibaato ah, ayna rajeynayaan inuu dib mar kale ula soo xidhiidho si uu faahfaahin dheeraad ah u siiyo.

Furahan – oo la aaminsan yahay in la sameeyay xilli ka mid ah qarnigii 19-aad – ayaa wali galaya daloolka albaabbada dhismaha Norman Tower ee loogu talogalay, inkastoo aan lagu rogi karin hadda.

Macluumaad ah oo badan lagama hayo taariikhda dabaqan, gaar ahaan ujeeddii loo dhisay.

Dadka ayaa siyaasbo kala duwan uga hadlayay cidda lahaan jirtay dabaqan, dadka qaarna waxay sheegayaan in uu dhisay baadari degenaa magaalada Rochester ee dalka Ingiriiska, halka qaar kalena ay sheegayaan in uu dhisay nin baadari ahaa oo la dhashay boqor ka talin jiray halkaas oo la odhan jiray William the Conqueror.

Samantha Stone ayaa BBC-da u sheegtay “in aanay jirin caddeymo muujinaya in dabaqa la deganaa, sidaas awgeedna aan la ogeyn hadafkii laga lahaa dhismaha”.

“Waxaan u maleyneynaa in dabaqa uu xarun maamul u ahaa ama guri uu u ahaa baadari”

“Markaa arrinta ku aadan dib u helidda furaha waxay muujineysaa taariikhda dabaqa”

Waxay intaas ku dartay in qofka dib usoo celiyay furaha uu ‘in muddo gacanta ku hayay furaha isaga oo muujiyay dadaal si uu u ilaaliyo furaha’.

“Xarunta English Heritage waxay si weyn ugu mahadcelineysaa qofkaas,” ayey tidhi.

Waxay ugu baaqday in uu lasoo xiriiro si loo qaabilo oo xubin uu uga noqdo xarunta English Heritage.