Gabiley: Ciidammada Booliska oo xabsiga dhigay xildhibaanno mudaharaad rabshado wata dhigay

0

Gabiley-(Berberanews)- Ciidammadda  Booliska magaalada Gabiley, ayaa maanta xabsiga dhigay 11 xildhibaan oo mudaraad rabshado wata ka sammeeyay xarunta Golaha Deegaanka ka dib markii  sida wararku aanu ka helay sheegayaan  ay ku guuldaraysteen dalabka kalfadhi ay damacsanaayeen inay xilka kaga tuuraan Maayarka Gabiley.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka, ayaa saaka weerar ku soo qaaday Xarunta Dawladda Hoose Hoose, iyagoo gebi ahaanba dhulka dhigay muraayadihii hoolka cusub ee shirarka oo ay dhistay Maayarka Gabiley Khadra Xaaji Gaydh.

Xildhibaannadan gadoodsan, ayaa damacsanaa qorshe fashilmay oo ay doonayaan inay xilka kaga tuuraan Maayarka Gabiley Mawro Khadra Xaaji-gaydh, kuwaasoo dhawaan ka codsaday wasaaradda arrimaha gudaha, haseyeeshee ay wasaaraddu ku gacansaydhay.

Tallaabada xildhibaannadani ku kaceen, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo muddo bil ahi ka hadhsantahay doorashooyinka goleyaasha deegaanka dalka.

Magacyada Xildhibaannada

Xildhibaan Muxumed Geelle Seed

Maxamed Muxumed Nuur Land-rover

Maxamed Siciid Cige Toyota

Muxumed Xasan Meecaad

Aadan Muxumed Badde

Maxamed Axmed Qaalib Samir

Maxamed Cumar Warsame

Maxamed Ibraahim X Maxamed

C/raxmaan Ibraahim Faarax

Maxamed Cabaas Jaamac

Xuseen Maxamed Jameeco.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com