GADOODKA ARDAYDU MA GARBAA MISE WAA GARDARO?

0

W/Q: Ibrhim Isma

Ardayda wax ka barata Dugsiga sare ee nuradin gaar ahaan qaybta inamadda ayaa mudarahaad rabshaddo wata ka dhex sameeyey dugsigooda. Ardaydu waxay khasaare kala duwan u gaysteen dugsigoodii iyo qalabkii ay wax ku baranayeen qaar ka mid ah maamulkoodina way farasareen.

Gadoodka ardayda waxa sabab u ahaa arday ka mid ah ardayda wax ka barata oo dugsiga laga eryey ka dibna baraha bulsaddu kuwada xidhiidho ku baahiyey maqaal uu cinwaan uga dhigay Dugsiga Nuradin iyo COVID 19.

Maalmo ka dibna, waxa gadood sameeyey ardayda Dugsiga sare  ee Salaama secondary school oo ayaguna ka gadooday  lacag dheerada oo lagu soo rogay waa sida ay sheegeene.

Hadaba waxaa lays waydiinayaa maxaa sabab u ah gadoodka ardayda?

Ma xaaladda xanuunka safmarka ah ee COVID 19 ayaa meel xun gaadhay dalka guud ahaan mise arday badan oo dugsiga dhigata ayuu haleelay?  Ma lacago dheeraad ah oo a aanay awoodi Karin ayaa ardayda lagu kordhiyey?

Maxaase ardayda ku kalifay inay dugsigsigood iyo qalabka ay wax ku baranayeenba burburiyaan maamulkoodana farasaraan?

Dugsiga iyo qalabka hoos yaala ma shaqsi gaar ah ayaa  leh mise waa hanti Qaranka JSL wadda leeyhay? Ma tayadii waxbarasho ee dugsiyadda gaarka ah ayaa hoos u dhacday?

Ardayda miyaa lagu dhex adoonsadaa dugsiyadda gaarka ah? Mise dhibaatooyin kale oo qarsoonbaa ardayda haysata?su,aalahaa iyo qaar kale oo badan ayaa lays waydiinayaa, Sababta dhabta ah ee ka danbaysa  gadoodka ardayda waxa aan u dhafaynaa jawaabtooda Maamulka dugsiyadda gaarka ah iyo wasaaradda waxbarashadda lakiin in ardaydu dugsigooda iyo qalabkii ay wax ku baranayeen burburiyaan waxaa sabab u ah:-

  1. Ardayda lagama dhisin Ruux ahaan iyo akhlaaq ahaan

  2. Ardayda looma barin qiimaha wadaniyadu leedahay

  3. Ardayda waxa loola macaamilay alaab ahaan (product)

  Ardayga marka aan laga dhisin Ruuxda ee aan loo sheegin xaqa uu macalinkiisu ku leeyahay iyo halka ay dhigtay diinteenu qiimaha macalinka, ardayga marka aan la barin akhlaaqadda wanaagsan ama aanu aqoonba  xadiiska Rasuulka ee macnihiisu ahaa akhlaaqadda wanaagsani waa diinta badhkeed. Ardayga marka aan la barin qiimaha wadaniyaddu leedahay laguna barbarin in isagu uu dugsiga leeyahay iyo qalabka hoos yaala, ama aanu aqoonin in marka uu waxbarashadda dhamaysto jiilalka ka danbeeyaa dugsiga ka dhaxli doonaan waxna ku baran doonaan, ardayga marka laga dhiso cilmiga maadiga oo kaliya, Ardayda marka loola macaamilo sida alaab tukaan taala (product), arday walbaaba ku qiimaysan yahay lacag dollar ah, taasna waxay keentay ama sababtay in ardaygii isku arko macmiil laga shaqaysanayo waana ta keentay in ardaydii burburiyey dugsigii iyo qalabkii hoos yaalay ee ay wax ku baranayeen maamulkoodina farasaraan.

Dugsiyadda gaarka ahi ma bixiyaan adeegyo bilaash ah, waxay bixiyaan adeeg waxbarasho oo lacag ah, waxaa maalgashaday muwadiniin Somaliland ah oo cashuur bixiyayaal ah, waxa u shaqo taga muwaadiniin Somaliland ah oo kala duwan qaar Macalimiin ka ah, qaar ilaaliya iyo kuwa dugsiga nadiifiyaba. lacagta laga qaado ardayda badankeedu dib ayay dhaqalaha dalka ugu soo noqotaa. ardayduna waxay ku doorteen dugsiyadda gaarka ah adeegyadda waxbarasho ee tayadda leh.lamana  soo qasbin ardayda midwalbana waalidkiisa ayaa keenay waxaanay ardaydu ku soo doorteen dugsiyadda gaarka ah  tayada waxbarasho ee ay bixiyaan. markaa ardayga ku qanci waaya adeega waxbarasho ee dugsiyadda gaarka ah waxaa u furan inuu dugsi kale u bedesho sida dugsiyadda dawliga ah oo aanu dugsiga iyo qalabka hoosyaala burburin.

Guntii iyo gabagabadii waxaan talo usoo jeedinayaa wasaaradda waxbarasha

  • In wasaaradda waxbarashadu dalka u taala la  hirgaliyo

  • In qadarka lacageed ee laga qaadayo ardayda(schoo fee) qiimo go,an lagu fadhiisiyo

  • In dugsiyadda Kormeer joogto ah lagu sameeyo si looga warhayo xaaladda ardaydu ku sugan tahay

  • In marka ardaydu gadood samayso wasaaradda waxbarashadu si xikmad leh wax u maamusho iskana horkeenin ardayda iyo maamulkooda taas oo sababi karta in nidaamkii waxbarasho ee dalku burburo,ardayga iyo macalinkuna kala amar qaadan wayaan.

  • In tayadda waxbarashadda dugsiyadda dawliga ah kor loo qaado si ardayda aan awoodin (school fee) dugsiga dawliga ah wax uga bartaan.

Maamulka dugsiyadda gaarka ah waxaan kula talinaynaa in ardayda aqoonta maadiga ah  uun laga dhisin ee ardayda laga dhiso Diinta iyo akhlaaqadda wanaagsan laguna barbaariyo wadaniyadda oo mar walba  loo sheego ardayda in dugsiga iyo qalabka hoos yaalaba ayagu leeyihiin bari marka ay dugsiga dhameeyaana in jiilalka ka danbeeyaa ka dhaxli doonaan waxna ku baran donaan si ardaygu u ogaado maskaxdana ugu hayo in dugsiga la wadda leeyahay oo aanay cid gaar ahi lahayn.

Ardayda guud ahaan waxaan u soo jeedinayaa in maamulkooda iyo macalimiintoodaba xaq dhawraan oo aanay u qacan qaadin waayo bari waxa aad noqonaysaan macalimiinta iyo mustaqbalka bari ee dalka. Macalinku waa waalidkaagii labaad cid walba idinkaa iskaga dhaw, raali galiya Macalimintiina oo madax iyo minjahaba ka dhunkadda wixii khasaare aad dugsigiina u gaysateena masuuliyadeeda madaxa ku qaata si bari ka maalin idinkana la idiin ixtiraamo kuwa idinka danbeeyana tusaale xun aydaan  ugu noqonin.

Gadoodka ardayda Dugsiyadda gaarka ah Noradin iyo Salama secondary schools ma garbaa mise waa gardaro taa jawaabteeda wasaaradda waxbarashadda iyo maamulka dugsiyadda gaarka ah ayaa laga sugayaa inay baadhitaan qoto dheer ku sameeyaan si loo ogaado halka ay sartu ka qudhuntay loona daweeyo.

Ibrahim Ismail Jibril

Hargaysa/somaliland