Ganacsato China ah oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE oo Booqasho Ku Tagay Wershadda Sharaabka Somaliland ee SBi

0

Jaleelo-(Berberanews)- Wefti Ganacsato ah oo ka socda waddanka China oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho indho-indhayn ah ku tagay Wershadda waddaniga ah ee soo saarta noocyada kala duwan ee Sharaabka ee Somaliland Bevrage Indesters (SBi) oo ku taalla deegaanka Jaleelo ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.

Ganacsatada Shiinaha ka socda oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo Masuuliyiin dawladda Somaliland ka tirsani ku soo dhaweeyeen, ayaa maanta booqasho ku tagay Wershadda Sharaabka ee SBi oo ay leeyihiin Ganacsato reer Somaliland ah. Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xisbil-xaakimka KULMIYE.

Weftigaas waxa halkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Shirkadda SBi, gaar ahaan Axmed Cismaan Geelle iyo Mustafe Cismaan Geelle oo ah Mulkiilayaasha iyo Maamulka Wershaddaas, kuwaas oo  warbixin ka siiyey Weftiga marxaladaha ay soo martay Wershaddu, qaabka ay u shaqayso iyo heerka ay wakhtigan marayso..

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda. “Waxaan aad ugu mahad-naqaya Axmed Cismaan Geelle oo Wershaddan sharaabka ee SPI halkan (Jaleelo) ka hirgeliyey. Waxaana socdaalkayagan nagu wehelinaya Wefti Chine ah oo socdaalkaannu China ku tagnay la kulannay oo ka socda qaybaha kala duwan ee ganacsiga bulshada Shiinaha ah aad iyo aadna way ula dhaceen Wershaddan iyo qaabka ay hawsheedu u socoto.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Warshadani waxay ka markhaati kacaysaa oo qayb weyn ka qadaanaysaa horumarka Somaliland, maalgelinta iyo shaqo abuurka dalka, waana mashruuc aad iyo aad u wanaagsan, bulshadana waxaannu ku dhiirigelinaynaa inay ka qaybqataan wax-soo-saarka bulshada, isla markaana isticmalaan waxyaabaha dalkeena laga soo saaro.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Weftigani waxay u yimaaddeen inay indho-indheeyaan xaaladda dalka Somaliland, waxaana la socda nin saddex jeer oo hore yimi Somaliland, waxaannu halkan ka markhaati kacay in saddex sano ka hor maanta ay Somaliland waddadii horumarka tallaabo weyn u qaadday. Wershaddanna waa Wershad caalami ah oo Coco-cola dunida ka samaysan la mid ah, waxa dhiirrigelinaya nidaamka dawladeed iyo nabadgelyo ee Somaliland muddada 21 sano ah ku naalonayso.”

Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa isagu sheegay inay soo dhawaynayaan weftigan China ka socda, kuna soo dhawaynayaan Somaliland iyo maalgeshigeeda. “Waxaannu ku soo dhawaynaynaa saaxiibadayada China inay ka soo qaybgalaan horumarka Somaliland oo ay arkaan maalgashigay sameeyeen ganacsatada dalka u dhashay sida warshada SPI,” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, isaga oo sidoo kalena u mahad-naqay masuuliyiinta Shirkaddan hirgeliyey oo uu tilmaamay inay tallaabo horumarineed dalka u horseedeen.

Xildhibaan Cali Xasam Maxamed (Cali-Marreexaan), oo isaguna ka tirsan Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland, oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu cabo sharaac cimrigiisu yahay hal daqiiqo, isaga oo carrabka ku dhuftay inay tahay sharaabkii ugu horreeyey ee dalka laga soo saaro ee uu cabo, isaga oo u mahadnaqay maalgeliyayaasha shirkadda SPI. Md. Cali-Marreexaan waxa uu shacabka iyo dawladdaba u soo jeediyey in la dhiirigeliyo ganacsadayaashan dalka wax-soo-saarka u horseeday.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo ka mid ahaa Masuuliyiinta kormeerka ku sameeyey Wershadda SBI maanta gelinkii hore, ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay inay Somaliland ka mid noqoto dalalka Wershadaha Wax soo-saar ka jiraan. Waxaanu u mahad-celiyey Muwaaddiniinta hirgeliyey Wershaddaas oo uu ku sifeeyey kuwo wax wayn dalkooda ku soo kordhiyey.

“Wershaduhu waxa weeyaan waxyaabaha dadku wada leeyihiin, iyaga oon haddana wada lahayn, dadka wadani lihi ay ku wada fannaan, waxay tahay inaynu ku faanno, weftigan China ka yimi tusaalay u tahay inay Somaliland wax qabsanayso, waxna la qabato, dalkana maalgashadaan. Weftigan Shiinaha waxaannu uga mahadnaqaynaa iyaga oo dalkooda nagu martiqaaday, una socda arrimo farabadan oo kalluumaysi iyo ganacsiba leh, iyaga oo diyaar u ah inay ganacsatadeena la shuraakoobaan.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.