Gareth Bale Oo Ay Kooxda Barca Ku Bixineyso Sidii Ay Ku Heli Lahayd £30m

0

(Berberanews Sports):- Gareth Bale ayaa noqday qofka ugu sareeya ee ay xaggaagan liiska ay Barcelona ku doonayso laacibiin cusub iyadoo Eric Abidal uu ka soo kabanayo qalliink beer cusub loogu tallaalay.

Kooxda Barca ayaa sidoo kale waxa ay dooneysaa Robin van Persie balse waa inay iibiso ciyaartoy haddii ay rabto in ay kharash gadhaysa in kabadan £40million oo ah lacagta ay suuqa tagaysa.

Bale ayaa loo arkay qofka macquulka ah ee bedeli kara 32jirka dhinaca dambe uga ciyaarayay kooxda Barca ee Abidal, hase ahaatee Bale ayaa dhinaca hore kooxdiisa Spurs ugaga ciyaarayay xilliyadii dhowaa.

Manchester City iyo Liverpool oo la sheegay in ay doonayaan Javi Martinez ayaa sidoo kale ka mid ah ciyaartoyda ay Barca xiiseyneyso. Waxana weliba sida ay qortay El Mundo Deportivo shaashada u saaran Barca Iker Munain oo u ciyaara Athlitic Bilbao.

Bale oo ah  22jir dhowaan qirey in ay ku adag tahay in uu iska diido in uu u soo wareego garoonka Nou Camp ama kooxaha kale ee ay xafiiltamaan.

‘Haddii aad ka hadlaysid Barcelona ama Real Madrid, labo kamid ah kooxaha ugu waaweyn caalamka waa mid ah riyooyinka dunida ku soo mara,’ayuu yidhi.

‘Haddii lagu yidhaahdo ciyaaryahan dhalinyaro ah ma u ciyaaraysa Barcelona ama Real madrid ma diidayaa? Uma malaynayo taas.’

Tottenham ayaa ku adkaan doonto inay ceshato qaar kamid ah laacibiinteeda waaweyn haddii ay ku guuleysan weydo inay ka qeybgasho tartanka  Champions League xilli ciyaareedkan. Iyadoo weliba tababare Redknapp mustaqbalkiisa kooxda uu mugdi gali karo.

Barca ayaa qiyaaseysa in uu ku kici karo Bale qiime dhan £30m, waxana ay tahay in ay iska iibiso ciyaartoy si ay u bilowdo doonitaankeeda Van Persie.

Weeraryahanka Arsenal ayaa kooxo badan ay sidoo kale doonayaan sida Manchester City,Real Madrid iyo AC Milan waxana ka dhamaanaya heshiiska uu kula joogo Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports