Garoonka Estadio da Luz Oo Martigelin Doona Finalka Champions League Ee 2014.

0

(Berberanews Sports ‘Champion Leaque’):- Uefa ayaa ku dhawaaqday in garoonka kooxda Benfica Estadio da Luz inuu martigelin doono finalka Champions League ee xilli ciyaareedka 2013-14.

Garoonkaan oo daaha laga qaaday 2003dii, Estadio da Luz waxa uu qaadaa 65,640 ruux, waxaana uu martigelin doonaa finalkiisii ugu horeeyay ee koob weyn tan iyo markii lagu qabtay finalkii Euro 2004.

Waxaa laga garab dhisay garoonkii hore ee kooxda, kaasoo martigeliyay 1992kii finalkii European Cup Winners’ Cup ee u dhaxeeyay Werder Bremen iyo Monaco.

Xilli ciyaareedka soo socda 2013 waxaa finalka Champions League mar kale lagu qaban doonaa garoonka magaalada London Wembley kasoo martigeliyay finalkii xilli ciyaareedkii hore.

Xilli ciyaareedkana waxaa finalka Champions League martigelin doonta garoonka Bayern Munich Allianz Arena.

Dhinaca kale garoonka cusub ee Juventus, Juventus Arena ayaa martigelin doona finalka koobka Europa League ee 2014ka.

Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports