Garsoore Marriner oo dhexdhexaadin doona kulanka Man Utd v Man City

0

(Berberanews Sports):- Garsooraha waaya araga ah Andre Marriner ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo kulanka derbiga ah ee Manchester City iyo Manchester United dhex mari doona 30-ka  April.

Marriner, oo ah 41 jir, ayaa ahaa ninkii siidhiga u hayey kulanki bishi October dhexmaray Manchester United iyo Liverpool ee ku dhamaaday bar bar dhaca, kaasi oo uu hadheeyey muranki ku saleysnaa cunsuriyada ee dhex maray Patrice Evra iyo Luis Suarez.

Macalinka kooxda United Sir Alex Ferguson ayaa ku tilmaamay derbigi ugu adkaa ee uu usoo joogay, waxa kale oo uu sheegay in hada fursada hanashada horyaalka ee labada dhinac ay tahay mid dheeli tiran.

City waxay ka hoosaysa kooxda ay ficiltamaan ee United sadex buundo, laakin hadii ay ka badiso ayey hogaanka uga qaadi doontaa kala saraynta dhanka goolasha oo ay uga badantahay lix gol.

Garsoore Marriner, oo kasoo jeeda magaalada Sheldon,  gobolka West Midlands ee dalka England ayaa garsooray sadex jeer ciyaaraha kooxda Manchester United ay dheeshay xilli ciyaareedkaan kuwaasi oo kala ahaa kulamadi ay la qaadatay Norwich, Liverpool iyo Bolton, laakin wali ma dhex dhexaadin kulamada Man City. 

Kulanka kaliyah ee derbiga labada koox ee uu dhex dhexaadiyey wuxuu ahaa kii bishi February 2011 markaasi oo ay United 2-1 ku badisay, waxa lagu xasuustaa goolki dhabalka ahaa ee uu Rooney ka dhaliyey City oo noqday mid ka mid ah goolashi ugu fiicnaa sanadki hore.

Ferguson wuu cambaareeyey macalinkaan sanadki 2009 marki uu 2-0 ku lumiyey kooxda Liverpool ciyaar ka dhacday garoonka Anfield, waxa uu ku tilmaamay inuu garsooraha la hagayey jawiga garoonka.

Marriner waxa uu bixiyey shan kaadh xilli ciyaareedkan oo uu ku jiro kaadhki casaa ee uu siiyey laacibka Blackburn David Dunn kulanki ay la ciyaareen Wigan bishii November ee sanadki hore.

Mustafe maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports