Hargaysa (Berberanews): Mus-danbeedka golaha abwaanadda qaranka ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay tageerana u muujiyay guusha ay Somaliland ka gaadhay shirkii Jabuuti ku dhexmaray dawladda Soomaaliya.
Xubnahan golaha abwaaniinta Somaliland oo maanta warbaahinta Hargaysa kula hadlay waxay shaaciyeen in ay si buuxda u soo dhawaynayaan, isla markaana u taageersan yihiin khudbadii taariikhiga ah iyo garnaqsigii uu madaxweynaha Somaliland shirkaasi ka jeediyay.