Golaha Baarlamaanka Iran oo ansixiyay sharci kor u qaadaya Nuclearka

0

Iran-(Berberanews)-Hay’ada ilaalada ee Golaha kacaanla ee Iran ayaa ansixisay sharci Arbacadii waajib kaga dhigaya dowlada inay joojiso baaritaanka UN-ka ee goobaheeda Nukliyeerka isla markaana ay kor u qaado kobcinta uranium-ka ee ka baxsan xadka loo dejiyay heshiiskii Nukliyeerka ee Tehran 2015-kii haddii cunaqabateynta aan laga qaadin laba bilood gudahood.

Arrintan ayaa u muuqa mid loogu Aargudayimo dilkii usbuucii la soo dhaafay ee saynisyahankii ugu sareeyay nukliyeerka Iran, kaas oo Tehran ay ku eedeysay Israel, baarlamaanka Iran ee mayalka adag ayaa slaasadii ku ansixiyay sharciga aqlabiyad xoog leh oo adkeyn doonta aragtida nukliyeerka Iran.

Golaha Ilaalinta waxaa loo xilsaaray hubinta sharciyada qabyada ah ee aan ka hor imaaneyn sharciyada Shiicada Islaamka ama dastuurka Iiraan.

Si kastaba ha noqotee, lama oga halka uu taagan yahay Hogaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei, oo isagu leh erayga ugu dambeeya ee ku saabsan dhammaan arrimaha gobolka.

“Maanta, afhayeenka baarlamaanka wuxuu si rasmi ah uga codsaday madaxweynaha inuu dhaqan geliyo sharciga cusub,” wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Fars ee Iran ayaa werisay.