Golaha Deegaanka Gabiley oo Xilka ka qaaday Maayerkii Hore mid cusub-na Doortay

0

Gabiley-(Berberanews)- Maayerkii hore ee magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, ayaa Xilkii Maayer-nimo laga tuuray, ka dib markii ay Xildhibaannada golaha deegaanka Gabiley fadhi ay maanta ku yeesheen xarunta dawladda hoose ee magaaladaa ku doorteen Maayer cusub.

Fadhi ay maanta yeesheen Mudanayaasha Golaha deegaanka Gabiley oo ay Shir-guddoominayeysay Ku-simaha Guddoomiyaha golaha deegaanka, isla markaana ahayd Maayerkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh oo ay ka soo xaadireen 17 Xildhibaan oo ka tirsan 21 ka Mudane ee Golaha deegaanka Gabiley ka kooban yahay, waxay xilka kaga qaadeen Maayerkii hore ee Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, isla markaana waxay ku doorteen Maayer cusub, kaasoo ay u doorteen Axmed Muxumed Qaalib(Axmed Samir) oo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Deegaanka. Waxa kale oo ay Ixsaanadda dib ugu soo celiyeen Xildhibaannada Aadan Muxumed Bade oo hore u ahaan jiray Maayerka degmada Gabiley oo arrimo musuqmaasuq xilka xayuubin loogu sameeyey, lagana qaaday ixsaaniyadda Xildhibaannimo, ka dib markii Maxkamad lagu oogay, kaasoo aan weli kiiskiisu dhammaanin.

Maayerkii hore ee degmada Gabiley Khadra Xaaji Gaydh oo doorashadaa ka dib Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay qaabka doorashadu u dhacday, iyada oo xustay in Xilku meerto yahay oo maalinba qofka loo gartaa qabanayo. Khadra Xaaji Gaydh waxay sheegtay inay sida ugu habboon ula shaqayn doonto Maayerka maanta la doortay ee iyada beddeli doona, isla markaana sida ugu fiican diyaar ugu tahay inay xilka ugu wareejiso Maayerka cusub.

Tallaabadan ay Xildhibaannada golaha deegaanka Gabiley ku doorteen Maayerka cusub ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Axmed Muxumed Qaalib(Axmed Samir), ayaa timi maalmo ka dib markii Xabsiga loo taxaabay 11 Xildhibaan oo isku dayey inay fadhi yeeshaan, ka dibna markii fadhigaasi u suurageli waayey sameeyey mudaharaad rabshado watay oo ay ku burburiyeen dhismayaasha golaha deegaanka Gabiley, kuwaasoo Sabtidii la xidhay, isla markaana Axaddiiba xorriyaddooda loo soo celiyey.

Golaha Deegaanka Gabiley oo muddo sannad ku dhaw xariraad laga saaray fadhiyada, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) amray in Xildhibaannada xidhan la sii daayo, isla markaana ay xor u yihiin inay yeeshaan fadhiyadoodii ay hore-ba u yeelan jireen wakhti sannad ku dhaw ka dib, waxaani fadhigoodii ugu horreeyey oo maanta ay yeesheen sababay inay xilka ka qaadaan Maayerkii hore ee Gabiley, sla markaana doortaan Maayer cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Muranka iyo khilaafka Xildhibaannada degmada Gabiley ayaa ah mid soo noqnoqda.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.