Golaha Wakiillada oo ansixiyey Miisaaniyad-sanadeedka 2021

0

Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyay odoroska Miisaaniyada sannadeedka 2021-ka.

Miisaniyada dawladda Somaliland ayaa waxa ogolaaday todoba iyo labaatan mudane , Waxaana diiday shan mudane, Sagaal Xildhibaan ayaa ka aamusay Sidaasi ayaa lagu ansixiyey miisaniyada.

Fadhigan lagu ansixinayay Miisaaniyada ayaa waxa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

Halkan ka Daawo Muuqaal: