Golaha Wakiillada Somaliland oo markii ugu horreysay Ansixiyey Laba Xeer oo Xasaasi ah,dalkana aan hore uga jirin

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xeerka la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo Wareejinta Maxaabiista, kuwaasoo aan Somaliland hore uga jirin, isla markaana ay qaar Mudanayaasha ka tirsani ansixintooda afduub ku tilmaameen.

Labada Xeer oo aan hore ugu jirin ajandihii kal-fadhiga ayaa maalmihii u dambeeyay golaha la horkeenay Xeerka La-dagaalanka Budhcad-baddeeda, isla markaana Mudanayaasha ay ka dooddeen.

Fadhigii maanta oo uu Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaasha loogu qaybiyay Xeerka Wareejinta Maxaabiista, waxaanu Guddoomiyuhu ku wargeliyay inay Mudanayaashu u codeeyaan in Xeerkan laga dooddo iyo in duuduub lagu ansixiyo, taasoo Mudanayaasha qaarkood ka biyo diideen, isla markaana ay soo jeediyeen in loo gudbiyo xeerka guddi hoosaadka caddaalada.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa ugu horeyn cod u qaaday Xeer No: 52, 2012 oo ka kooban 14 qodob, isla markaana ah Xeerka La-dagaalanka Budhcad-baddeeda oo maalmihii u dambeeyay ay ka dooddayeen, waxaana madasha fadhiyay  50 mudane, waxa ogolaaday 46 mudane, waxaana diiday 3 mudane, cid ka aamustayna ma jirto.

Dhinaca kale, wuxuu Guddoomiyuhu mar labaad ku wargeliyay in Mudanayaashu ay cod u qaadaan in Xeer No: 53, 2012 oo ah Xeerka Wareejinta Maxaabiista in duuduub lagu ansixiyo iyo in dood la galiyo, waxaana Golaha hadheeyay muran iyo buuq, iyadoo Mudanayaashu ay ku kala qaybsanaayeen soo jeedinta Guddoomiyaha.

Buuq iyo sawaxan ka dib waxay Mudanayaashu cod u qaadeen in dood la geliyo Xeerka iyo in duuduub lagu ansixiyo, waxaana ogolaaday in duuduub lagu ansixiyo 31 mudane, waxa diiday 5 mudane, waxaana ka aamusay 12 mudane.

Ugu dambayntii waxay Mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen Xeer aanay naaqishin qodobadiisa, isla markaana aan soo marin guddi hoosaadkii sharciga u lahayd inay eegaan, Xeerkan Wareejinta Maxaabiista ayay mudanayaasha qaarkooda si adag uga biyo diideen, iyagoo ku doodday in Golaha ay Shirguddoonku afduubeen.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Golaha Wakiilladu ansixiyaan labadan Xeer, inkasta oo ay sannadihii u dambeeyey jireen Budhcd-badeed boqol qof ka badan oo Maxkamadaha Somaliland, gaar ahaan Maxkamadda Gobolka Saaxil xukunno kala duwan oo qaarkood 25 sano yihiin ku ridday, kuwaasoo ku jira Xabsiyada dalka, haddana hadda ka hor ma jirin Xeer sharci-dejinta maray oo loo cuskado xukunka iyo la-dagaallanka Budhcad-badeedda.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.