Hargeysa-(Berberanewa)-Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey dood iyo falan-qayn dheer ka dib ku ansixiyeen miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:
Ø Dawladda dhexe
Ø Dawladaha hoose
Ø Hay’addaha madaxa-bannaan
Ø SDF
Ø World Bank
Ø JPLG.
Cadadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%, waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:
1. Amniga
2. Caddaaladda
3. Caafimaadka
4. Waxbarashada
5. Wax-soo saarka
6. Deegaanka
7. Tamarta
8. Maamul wanaaga
9. Doorashooyinka
10. Ictiraafka