Gorfayn Kooban Buugga-The Journey Of My Life- Q1aad

0

Buuggan “the journey of my life” waxa qoray Dr Xassan Ismaaciil Yuusuf ; 2020; wasiirkii hore caafimaadka Somaliland. Waa buug ah nooca loo yaqaan taariikh nololeedka oo ka hadlaya xaaladihii kala duwanaa ee uu soo maray qoraagu. Wuxuu ku qoran yahay afka Ingiriisida waxaanu ka kooban yahay 185 bog. Marka aad dhinac ka eegto wuu kooban yahay, haddana waxaad ugu tagaysaa taariikh mug wayn iyo halgan qofeed oo ay ku lammaan tahay hab nololeed iyo dhaqan soomaalinimo, nolol miyi iyo mid magaalo, aqoon iyo horumar, dadaal iyo duruufo kala duwan, qurbe iyo qalalaase dawladeed, dagaal iyo halgan ummadeed, Jabhadayn iyo aqoon korodhsi jaamacadeed, dawlad yagleel iyo dib u dhis dal, xilal wasiirnimo iyo xukuumadihii kala danbeeyay, shaqooyin mutadacwanimo iyo danta guud, gobonimo iyo dadaal shaqsiyadeed.Buuggu waxa uu leeyahay jaldi wanaagsan iyo xaashado aanay ku dhibayn akhriskoodu. Waxaa loo nashqadeeyay qaab heerkeedu sarreeyo oo la mid ah buugaagta caalamiga ah, waxaana magaalada Qahira ku soo daabacaday shirkadda Hiilpress. Waxa uu ka kooban yahay kow iyo toban cutub oo isugu xidhan hab xilliyeedyo nidaamsan oo ka mid ah meertooyinka nolosha qoraaga. Qaybaha ugu danbeeyana waxa uu ku soo ururiyay talobixinno, tixraacyo, qoraallada kale ee uu ka qaybqaatay ama isagu qoray iyo sawirro uu galay xilliyo kala duwan oo noloshiisa ah.Dr.Xassan sida Soomaalida xilligiisii u badan tahay waxa uu ku dhashay hilaaddii 1954kii deegaanka hawdka meel u dhaw Duruqsi oo la yidhaahdo Dhacadiid, oo noqonaysa meel dhawr kiiloometer u jirta xadka Itoobiya hoos tagtana magaalada Gaashaamo. Wuxuu ka dhashay qoys magac iyo maalba lahaa oo si wayn looga yaqaannay dhulka hawdka. Reerkoodu wuxuu lahaa geel, adhi iyo berked biyood, Aabihiina wuxuu ahaa oday nabadeed caddaalad iyo wanaag lagu yaqaanno. Qoraagu wuxuu inoo soo gudbinayaa xilligaa sida waalidka iyo caruurtu isugu xidhnaayeen, taas oo aabihii uga warrami jiray sheekooyin xikmad iyo ku dayashoba mudan oo ka turjumaya dhaqanka dulqaadka, nabadda iyo wada nolaanshaha bulshada ee uu doonayo in uu inankiisuna kaga daydo. Qoraagu wuxuu ka warramayaa fasaxiisii ugu horreeyay ee uu miyiga ku noqday iyo barwaaqada dhulka ka jirtay. Wuxuu inoo soo tabinayaa sida caanaha geelu u ahaayeen cuntada ugu muhiimsan ee soomaalida reer miyiga ah.Qoraagu wuxuu inala wadaagayaa labo dhacdo oo xanuun badan ku reebay oo kala ahaa dhimashada labadiisii waalid IHN isaga oo sheegaya in labadooduba ay u dhinteen xanuunka kaneecada oo dhulka hawdka ku badan, adduunka oo dhanna dad badan ku laaya sannad kasta. Xasuustaasi maskaxdiisa kamay bixin waxaanay ka qaybqaadatay doorashadiisa inuu dhakhtar noqdo iyo waliba takhasuskiisa uu ku soo qaatay dalka Ingiriiska. Qoraagu wuxuu sidoo kale ka warramayaa sidii uu ku bilaabay barashadiisa Quraanka Kariimka ah iyo malcaamaddiisii iyo markii danbe sidii uu ugu wareegay Burco ugana galay dugsigiisii hoose oo ahaa Cismaan Cabdi Cali oo loo yaqaan Cda. Maadaama reerkoodu miyi daganaa wuxuu la joogay eeddedii oo magaalada Burco deganayd halkaas oo uu waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ku soo qaatay.Digtoorku wuxuu fasalka koowaad ku bilaabayaa meel ku-meel gaadh ah oo dugsiga u dhawayd lana odhan jiray “Uulo Turub”. Dugsiga hoose wuxuu xilligaas ahaa saddex sano laakiin ardaydii sannadkaas biloowday waxay noqonaysaa lodkii ugu horreeyay ee afar sano dhigata. Sidoo kale waxay noqonayaan ardaydii ugu horraysay ee sideed sano dhigata dugsiga dhexe. Markii ay ahaayeen sannadkii sideedaad ee ay imtaxaanka shahaadiga ah gali lahaayeen ayaa waxa dhacay inqilaabkii milatiriga ee 1969 kii ee Maxamed Siyaad Barre IHN hogaaminayay. Nasiib wanaag saamayn kuma yeelanayso isbadalka maamul ee dhacay imtaxaankii ay galayeen ardaydu sidaas ayaanu ku dhammaysanayaa waxbarashadiisii hoose/dhexe. Waxaa xusid mudan in uu ahaa hormuudka ardayda dhanka waxbarashada sannadahaas kala duwan ee uu soo dhiganayay, sidoo kalena kaalmaha hore ka galay imtaxaankii shahaadiga ahaa kaas oo uu kumutaystay inuu galo dugsigii sare ee hoyga ahaa ee Sheekh.Dugsiga Sheekh waxaa maamulkiisa iyo macallimiintiisuba u badnaayeen ajaanib siiba Ingiriis iyo Hindi. Waxaa maamule ka ahaa Darlington ( oo soomaalidu u taqaannay Gacmadheere). Halkani waa halka Xassan uu ka helay afar sano oo waxbarasho tayo leh ah taas oo ay yarayd in dalka mid la mid ah laga helo. Sheekh iyo Camuud waxay ahaayeen laba dugsi sare oo soo saara dadka hormuudka bulshada ka noqonaya laga soo bilaabo markii la dhisay ilaa maanta. Wuxuu qoraagu magacaabayaa madax badan oo labadaas dugsi ka soo baxday oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii Somaliland soo maray. Waxaa xusid mudan in ardayga dugsiga hoyga dhigtaa uu helayay wakhti badan oo uu wax akhristo, maktabad buugaag ah, macallimiintiisa oo uu mar walba wax ka dhiganayo, waxqabadyada iyo wax isu dhigga ardayda iyo deegaan waxbarasho.Qaybta danbe waxaynu ku eegi doonnaa waxbarashadiisii sare, shaqooyinkii uu soo qabtay, takhasuskiisii iyo xaaladdii qurbaha, halganki SNM iyo kaalintuu ku lahaa, Xilalkii kala duwanaa ee ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay, talooyin uu inala wadaagay iyo dhaliilaha uu buuggu leeyahay.Lasoco qaybta danbe Insha Allah…………………ALLAA MAHAD LEHCabdifataax Rashid MaxamedHargeysa, Somaliland

21/01/2021