Guardiola OO Ugu Baaqay Taageerayaasha Barca In Aanay Si Xun U La Dhaqmin Pepe Kulanka Caawa.

0

(Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa u sheegay taageerayaasha kooxdiisa in aanay si xun ula dhaqmin ciyaaryahanka Real Madrid Pepe marka kooxdiisa ay caawa soo bookhato Camp Nou lugta labaad ee wareega 8da Copa del Rey.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa diirada ay saaran tahay ka dib markii uu gacanta kaga istaagay Lionel Messi kulankii lugta hore, lakiin Guardiola ayaan dooneynin in taageerayaasha Camp Nou ay soo bandhigaan cadhada ay u qabaan difaaca reer Madrid.

“Aan faraha ka qaadno Pepe” ayuu Guardiola ku yidhi shirkiisa jaraa’id. “Hadii tababarihiisa uu doonayo inuu ciyaaro, markaas aan u ogolaano inuu ciyaaro, waxaana rajeynayaa inay noqon doonta ciyaarta ugu macquulsan ee qof walba”

“Waxaan rajeynayaa wixii ku dhacay Luis Figo in aanan lagu celin doonin markale, sababtoo ah taageerayaasha kooxda waxa ay ka qoomameyeen wixii dhacay” 

“Hadii ay mar kale dhacdo, waxa ay la micno tahay in aanan weli waxba ka baranin dhacdadii hore, iyo in aanan aheyn markaas kooxda aan dooneyno inaan noqono. Waxa ay ka xanuun badnaan doontaa in koobka la inaga reebo”

Pepe, oo aan ciyaarin kulankii ay kooxdiisa ay 4-1 kaga badisay kooxda Athletic Bilbao, ayaa haatan ogaan doona hadii uu taam u yahay kulanka caawa ee Camp Nou ka dhacayo.

Mar wax laga weydiiyay Guardiola sida uu ku soo geli doono kulanka caawa. Guardiola ayaa sheegay inuu targetkiisa yahay inuu badiyo, inkastoo kulankii hore ay kooxdiisa 2-1 ku soo badisay.

“Ma doonayo inuu qofna ku fekero inaan wax ku guuleysanay sababtoo ah kulanka waxa uu noqon doono mid la isku dhow yahay, labada kooxoodna fursad ayay u heystaan ilaa daqiiqada ugu danbeysa”

“Hadi aan isku dayno inaan natiijadii hore kaliya difaacano markaas waa ay na reebi doonaan”

Kulanka lugta labaad ee El Clasico ayaa waxa uu dhacayaa 00:00 xilliga soomaliya.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports