Guddida Doorashooyinka Oo Kordhiyay Qaadashada Kaadhadhka Iyo Goobbaha Khaaska Ah Ee Loo Cayimay

0

Hargeysa(Berberanews)- Guddida Dooraashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyay in muddo toddoba maalmood oo dheeraad ah ay ku kordhiyeen Kaadh qaadashada si ay fursad u helaaan muwaadiniinta Codbixiyayaasha ee iska diiwaangeliyay gobollada Awdal, Maroodijeex iyo iyo Togdheer.

Guddida, ayaa tallaabadan qaaday kaddib markii ay soo gebo-gebeeyeen muddadii saddexda maalmood ahayd ee hore loogu qorsheeyay qaadashada Kaadhadhka ee gobolladaa, waxayna sheegeen in meelo cayiman muddada la kordhiyay ay hawsha qaadashada Kaadhadku kasii soconay Maroodi-jeex, Togdheer iyo Adal.

Saraakiisha Komishnaka Gobolladaa iyo Hawl-wadeenada, ayaa muwaadiniinta ugu diyaar ah goobbaha gobol walaba loo asteeyay in ay muwaadiniintu muddada lagu daray ka qaataan Kaadhadha diiwaangelinta, taas ka bilaabmay 4 April  ilaa  10-ka April 2021.

Halkan hoose ka daalaco goobbaha gobol walaba laga helayo qaadashada kaadhadhka diiwaangelinta.

Gobolka Maroodijeex, waxay  Kaadh-boxontu ka sii socon doontaa goobbo cayiman, kuwaas oo ku yaal Degmooyinka gudaha iyo Nawaaxiga Caasimadda Hargeysa, Balligubadle, Alleybaday, Sallaxley iyo Wajaale.

Halkan Ka Daallaco Goobbaha Shaxda Gobolka Maroodi-jeex.

Gobolka Awadal, waxay hawsha kaadh-bixinta diwaangelintu kasii socon doontaa goobbaha cayiman oo ah, kuwo ku yaal Degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya iyo Saylac.

Eeg  Goobbaha Shaxda Gobolka Awdal ee khaaska ah.