Guddiga anshaxa oo 2 sano ganaaxay tobabaraha Maroodi-jeex

0

Hargeysa(Berberanews)-Tababaraha xulka gobolka Maroodijeex ayaa muddo 2 sano ah shaqada laga joojiyay, kadib markii lagu eedeeyay in uu caayay garsoorihii ciyaartii shalay dhex-dhexaadinayay, iyo in uu laag ku dhuftay taageere ag fadhiyay.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay tababarahan in uu dhirbaaxo ku dhuftay ciyaartoy ka tirsan gobolka Buuhoodle.