Guddiga Diiwaangelinta oo iska difaacay eedaymo la xidhiidha caddaalad-darro oo Ururrada hadhay u jeediyeen

0

Hargeysa-(Berberanews)- Guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka Jamhuuriydada Somaliland ayaa maanta soo bandhigay qodobbo ay sheegeen inay ku hadheen Sagaal Urur oo ay hore u shaaciyeen inay ku hadheen wareeggii labaad ee shuruudaha lagu kala reebay 15- Urur siyaasadeed oo si sharci ah isu diiwaangeliyey dabayaaqadii 2011.

Guddida oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda magaalada Hargeysa, waxaana ugu horreyn shirkaa ka hadlay Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada Somaliland Xasan Axmed Ducaale (Xasan-Macallin), waxaanu sheegay qodobbada iyo gal-daloolooyinka sababay in sagaalkaasi urur ay ku hadhaan qiimayntii ururrada siyaasadda, waxaanu xusay in gobollada ay sagaalka urur badankoodu ku dhaceen ay ahaayeen Sool iyo Sanaag.

Waxaanu Afhayeenku halkaa ka akhriyey qoraal lagu soo koobay qodobbada ay Ururrada hadhay buuxin waayeen ee shuruudaha looga baahnaa, qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:

“1. SSCD waa uu hadhay waxaanu ku hadhay isaga oo aan xafiisyo ka furan goboladda dalka marka lagareebo Maroodi-jeex iyo 1000-kii qofna wuu ku hadhay dhammaan gobolada. 2. Ururka Damal xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil , Togdheer iyo Sanaag 1000 kii qofna muu buuxin gobolna.

3 ururka Nuur xafiisyo ka muu furan Saaxil iyo Sanaag 1000 qofna ee muu buuxin marka laga reebo Marood-jeex.

4 ururka Jamhuuriga xafiisyo ka muufuran goboladda Saaxil iyo Togdheer ,1000kii qofna muu buuxin marka laga reebo Maroodi-jeex 5.Ururka NDB xafiisyo ka muu furan goboladda Saaxil Iyo Togdheer muunabuuxin 1000kii qof goboladda Saail,Sanaag iyo Sool.

6 ururka Horyaal xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil iyo Sool manuu buuxin 1000-kii qof goboladda Saaxil iyo Sanaag waxa kale uu ku hadhay 1000kii qof ee liiska ahaa . 7. Ururka UDHIS xafiisyo ka muu furan Goboladda Sanaag iyo Sool ,mana uu buuxin 1000kii qof ee madaxtaabashada ahaa goboladda Sanaag iyo Togdheer.

8 Ururka Badbaado xafiisyo kamuu furan gobolka Sool mana uu buuxin 1000-kii qof ee madax-tabashada ahaa gobolada Sool iyo Sanaag. 9- Ururka Gurmad Xasfiis ka muu furan gobolka Sool manuu buuxin 1000-kii qof ee madaxtaabashada ahaa gobolka Awdal.”

Afhayeenku waxa uu si weyn u naqdiyay ururadda hadhay ee mudaharaadka ku baaqay waxaanu u soo jeediyay inay ka xishoodaan ummadda oo ay iyagu is qiimeeyaan galdaloolooyinkoodii sababay inay seegaan ururadda u gudbay marxaladda ka qeyb galka doorashadda Goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta Md. C/Risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) ayaa difaacay go’aankooda oo uu ku sifeeyay mid sharci ah oo si xor ah ay u kala saareen ururaddii ay iyagu hore u diiwaan-geliyeen. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in saxaafaddu ay buun buunisay ururadda hadhay oo ay si kale u dhigeen, taasi oo uu carabka ku dhuftay inay sii shiday xaaladdii.

Bereranews.com

Hargeysa/Somaliland.