Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo ka hadlay qaabka ay u bilaabayaan qiimaynta wejiga 2-aad ee Ururrada

0

argeysa-(Berberanews)- Guddiga diiwaangelinta ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay Berri bilaabayaan qiimaynta wejigii labaad ee Ururrada siyaasadda ee is-diiwaangeliyey, isla markaana ka soo gudbay shuruudaha wejigii koowaad ee diiwaangelinta sharci ahaan.

Gudoomiyaha Gudida diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland iyo Ansixinta Xisbiyada Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaalle), ayaa maanta qoraal uu soo saaray ku sheegay in laba Wefti oo ka tirsan Guddida ay maalinta Berri ah socdaal shaqo ugu ambo-bixi doonaan Gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Somaliland Cabdirisaaq Ciyaalle waxa uu ujeeddada safarkooda shaqo ee labada wefti ku sheegay inay qiimayn buuxda ku soo samayn doonaan sida ay ururradii is diiwaangeliyay ay xafiisyadooda uga furteen gobollada iyo degmooyinka dalka. Waxaa kale oo uu Guddoomiyuhu xusay inay u kuur-geli doonaan qaabka uu urur kastaa laamihiisa heer gobol iyo mid degmo u shaqaynayaan iyada oo 15 Urur-siyaasadeed isu diiwaangeliyaan inay u tartamaan doorashada golayaasha deegaanka Somaliland oo sannadkan 2012-ka la qaban doono sida loo qorsheeyey.

C/risaaq Jaamac Ciyaalle waxa uu ka dalbaday mas’uuliyiinta ururrada siyaasadda ee gobollada in laga helo Xafiisyadooda muddada ay kormeerka ku jiraan si ay xog warranno ula yeeshaan, kuwaas oo dhammaantood ku xusan xeerka nidaamka furashada ururrada siyaasadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, safarkan Guddiga diiwaangelintu shaacisay inay gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland ku soo marayaan ee qiimaynta ah ayaa noqonaya socdaalkii ugu horreeyey ee ay gobollada dalka iyo degmooyinkiisa ugu baxaan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.