Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somaliland oo sheegay tirada Ururrada la aqoonsaday iyo is-diiwaangelintii oo xidhantay

1

Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay shalay soo xidhantay is-diiwaangelintii Ururradu, isla markana Shan iyo toban (15) Urur oo is-diiwaangeliyey loo aqoonsan yahay Ururro Siyaasadeed, mid kale oo ku soo biiri kara ama urur-siyaasadeed sheegan karaa jirin tobanka sano ee soo socda.

Shir Jaraa’id oo ay saaka Guddiga Diiwaangelinta Ururradu ku qabteen Xafiiskooda magaalada Hargeysa, ayey ku shaaciyeen inay soo xidhantay diiwaangelintii Ururradu. “Waxaannu maanta idiin sheegaynaa inay shalay soo xidhantay Diiwaangelintii Ururrada Siyaasaddu, isla markaana tirada Ururrada is-diiwaangeliyey ee buuxiyey Shuruudihii Wejiga koobaad waa 15 Urur oo loo aqoonsan yahay Ururro siyaasadeed.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta Ururrada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Ciyaalle oo shirkaa jaraa’id ka hadlay.

Cabdirisaaq Ciyaalle oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaannu ku wargelinaynaa dadweynaha iyo Warbaahinta inaanu jiri karin 15-kaa Urur ii is-diiwaangeliyey wax ka baxsani Urur-siyaasadeed sheegan karin, isuna maga caabi karin Urur-siyaasadeed. Cid kasta oo han kaga jiray inay furtaan Urur-siyaasadeed waxay fursad u haysteen muddadaa ay socotay diiwaangelinta Ururradu, laakiin ciddii aan ka faa’iidaysan fursaddaasi way ka xidhantay. Sida xeerku dhigayana toban sano ka dib ayaa mar kale dib loo furayaa.”

Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta Ururradu waxa uu u soo jeediyey Warbaahinta dalka inaanay waxba ka qorin urur-siyaasadeedna ku sheegin wixii ka baxsan shan iyo tobankaa urur ee buuxiyey shuruudihii marxaladda koobaad ee Ururnimo, isuna diiwaangeliyey ururro siyaasadeed, taasoo haddii Urur-siyaasadeed ahaan war looga baahiyo Urur aan 15-kaa la aqoonsan yahay ka tirsanayn ay noqonayso gef ay Saxaafaddu ka gashay sharciga dalka u yaalla.

Cabdirisaaq Ciyaalle waxa uu Saxaafadda Somaliland ku ammaanay doorka ay ka qaadatay habsami-u-socodka hawlaha diiwaangelinta Ururrada iyo fahansiinta bulshada, isaga oo xusay inaanay mar kaliye Warbaahintu waxay ka naxaan Guddi ahaan aanay ka baahinnin. Waxaanu u soo jeediyey inay sidaa u wadaa masuuliyadda Qarannimada ka saaran Saxaafaddu.

Magacyada 15-ka Urur ee Ururro siyaasadeed loo aqoonsaday ee buuxiyey shuruudaha wejiga koobaad, isla markaana bixiyey cashuurtii looga baahna waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:-

Urrada Soo celiyey Foomkii diiwaangelinta, cashuurtiina bixiyey, waa sidan magacyadoodu:

1- WADANI

2- DALSAN

3- UDHIS

4- NASIYE

5- NDP,

6- UMMADDA

7- GURMAD

8- JAMHUURI

9- DAMAL

10- BADBAADO

11- HORYAAL

12- RAYS

13- SSCD

14- XAQSOORE

15- NUUR.

.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

1 COMMENT

  1. Waa gudidii ugu horaysay ee aan arko ee aan qaylo iyo xag xagasho aanu mucaarid iyo muxaafidtoona ku samayn runtii waxay qabteen shaqo fiican oon lahayn mad madow