Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia oo qaaddacay Guddida Doorashada

0

Muqdisho-(Berberanews)-Guddoomiyaha aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa kasoo horjeestay Guddiga doorashada ee uu xalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuuseen Rooble.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in laga tagay xubnihii Guddiga ku mataleyay Somaliland oo isagu horey u magacaabay.

”Waxaan cadey-neynaa in  haddii ay ku jiraan liiska uu soo saaray  Ra’iisal Wasaaaha xubno metelaya deegaan doorashooyinkeyga (Dir Waqooyi) in aysan aheyn kuwo aan annagu ka warqabo” ayuu yidhi Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubnaha Gobollada Waqooyi ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaa oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare qalqalgalin siyaasadeed iyaga oo sheegay in aanu matalin sida ay hadalka u dhiggeen kuraasta Gobollada Waqooyi.