Guddoomiyaha Daba-galka Hantida Qaranka oo qiray musuqmaasuq iyo Luunsi ay ku kaceen masuulliyiin xukuumadda ka tirsani

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Guddiga daba-galka Hantidada Qaranka iyo ilaalinta Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, ayaa sheegay in la aammisan yahay oo la wada arkayo in Dad gaar ah oo Dawladda gaar ahaan Xukuumadda ka tirsani ku takrifalaan Hantida Qaranka (Musuqmaasuq sameeyaan).

Waxa uu Naasir Xaaji Cali Shire ka warramay kulan ay la yeesheen Xisaabiyaha guud ee Qaranka oo ay kaga waraysteen arrimo la xidhiidha Musuqmaasuqa, ilaalinta Hantida Ummadda xilligan kala guurka ah iyo dhibaatooyinka Sicir-bararka la xidhiidha, sida uu sheegay.

Xildhibaan Naasir oo Warbahainta la hadlay markii kulankaas laga soo baxay Axaddii Maanta, waxa uu Warbaahinta qaarkeed Warbixin guud-mar ah ka siiyey waxyaabaha ay ka waraysteen iyo waxay isla meel-dhigeen Xisaabiyaah guud ee Qaranka iyo Guddigoodu, waxaanannu Warbixintiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-