Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo ka warramay natiijada kormeer ay sameeyeen

0

Hargeysa, 21 Feb 2012(Berberanews)- Gudoomiyaha Guddiga diiwaangelinta Ururraada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), ayaa ka hadalay halka ay marayaan howlo la xidhiidha qiimaynta Ururrada iyo halka ay marxaladdoodu marayso oo ay 12-kii bishan ka bilaabeen kormeer ay ugu kuur-galayaan arrimahaa gobollada Somaliland.

Guddoomiyaha diwaangelinta ururadda siyaasadeed ee Somaliland oo xalay waraysi siiyey Horn Cable TV, ayaa sheegay inay kormeerkooda bilaabeen 12-kii bishan. “Bisha 12-keedii maalintii Axada ayaa kormeerku uu ka bilaabmay dhammaan gobollada Somaliland, sida Oodweyne iyo Saaxil, qaybina waxay soo martay qaybta galbeed Berbera iyo Sheekh iyo Awdal oo isku dhan, Baki iyo Saylac.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale).

“Maalintii Sabtida ahayd ayaa waxa laga bilaabay gobolkan Maroodi-jeex iyo Gabiley, waxa sida oo kale aanu kormeer ku soo marnay Baligubadle, maanta (shalay ) ayaa xaruntii Maroodi-Jeex oo ah xaruntii caasimaddii dalka ee aanu ka bilawnay, waxa sida oo kale iyaguna maanta soo baxaaya qoladii ka bilawday Odweyne iyoBurco iyo Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo ku xigtay Ceerigaabo iyo Laascaanood kadibna way soo noqon doonaan. “Anaguna waxaanu immanaynaa Gobolka Maroodi-jeex ka dibna waanu isu immanaynaa, marxaladani maaha marxaladii kala reebka, ee waa marxalad u kuur-gelid ah oo marka aanu qiimayn ku samayno ururka ugu sarreeya iyo ka ugu hooseeyaba. waxaanu soo saaraynaa warbixin kama dambaysa oo waa muddadii qiimaynta iyo diwaan gelinta iyo xilliyadda ay qabsanayaan shirarka iyo muddada ugu dambaysa qiimaynta ee lagu kala sarraayo,  oo waxaanu soo saaraynaa Jidwalka.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddiga diiwaangelinta Ururraada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale).

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.