Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo Shaaciyay Saacadaha Shaqo ee Ramadaanta

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dowladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa shaaciyey saacadaha shaqada la shaqaynayo muddada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, maaddaama oo ay tahay bil cibaado oo dadku sooman yihiin.

Guddoomiye Farxaan waxa uu warbaahinta u akhriyey jadwalka cusub ee wax ka beddelka saacadaha shaqada, isagoo sheegay in shaqada shaqaalaha dowladdu geli doonaan siddeedda subaxnimo, lagana bixi doono kawda maalinnimo inta Ramadaanta lagu jiro.

Muuqaalka warka guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland uu kaga hadlay wax ka beddelka saacadaha shaqada, waxaan idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-