Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ka jawaabay kalsooni darro ay Garsoorka ka muujiyeen qaar ka mid ah Ururada hadhay

0

Garsoorku maaha wax qof iyo laba toona rayigooda ku cabiraan kalsooni daraa haysa baan leeyahay kuwa sidaa leh..”

Somaliland-04-May-2012-(Berberanews)-Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa jawaab ka bixiyay kalsooni daro ay Garsoorka ka muujiyeen qaar ka mid ah ururada ku hadhay natiijadda Guddida Diiwaangelinta iyo ansixinta Asxaabta qaranku soo saartay.

Guddoomiyaha Makamadda Sare oo safar shaqo ku marayay qaar ka mid ah gobollada dalka, ayaa Waraysi Gaara oo uu magaalada Berbera kula yeeshay weriye Maxamed Xarrago oo ka tirsan Shabakadda Berberanews.com, waxa uu guddoomiyuhu waraysigaas oo dhinacyo badan kaga jawaabay kalsooni darro Guddoomiyaha Ururka UDHIS Mujaahid Ibraahin Dhegaweyne ka muujiyay inuu dacwad u gudbinayo maxkamadda sare iyo in kale mar uu todobaadkii hore u warramay Berberanews.

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo ka jawaabayay waxa uu ka odhanayo baqaha Garsooreed ee Ururada qaarkood ka muujiyeen maxkamadda sare waxa uu kaga jawaabay oo yidhi,  “Waxaan leeyahay caddaaladu dareen maaha ee waa sharci ummadda u dhex ah oo laysu dhaqo, qofku hadduu dhacdooyin cadaalad daro oo run ah haysto oo uu xeer u cuskado, qareen la tashado oo leeyahay xaqaasaa ciddaas igaga maqan amma go’aan maamul baa layga luunsaday taasaa la aqbali karaa, Laakiin garsoorku maaha wax qof iyo laba toona rayigooda ku cabiraan kalsooni daraa haysa baan leeyahay kuwa sidaa leh, kalsooni darada Ilaahay uun baa ummadda ka dawayn kara, waxaanan leeyahay sharcigga aamina.”ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd; Waxa jira ururo ka biyo diiday go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururada, ma jiraan ururo idiin soo gudbiyay dacwad ka dhan ah guddiga Diiwaangelinta? Waxa uu yidhi, “Intaan ogahay dacwad laysoo gudbiyay ma jirto, dacwaduna nidaam la soo mariyo ayay leedahay oo qofku waxan uu ku dacwiyayo inuu xeerarka waafaqsanyahay oo xaq ka maqanyahay  sifo qaldan oo luunsi kaga maqanyahay dacwadu markaasay noo imanaysaa waa la eegayaa, waa la hubinayaa xeerarka lagu soo dhisay, haddii ay munaasib tahay markaasaa la furayaa dacwadda, haddii kalena xaqqa aad leedahay wuu iga maqanyahay xeerkii kuu daryeelayay ee kuu ilaalinayay soomaad cuskan lamana dhegaysan karo oo fadhigaa qaraar hordhaca lagaga soo saarayaa. Immika markaan noqdo Inay keenayaan iyo in kalena war uma hayo, laakiin maxkamaddu mar walba waa u diyaar oo albaabadeedu way u furanyihiin ciddii xuquuq ka maqantahay inay maxkamadda awoodda u leh u timaado.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali.

La soco qaybta labaad ee waraysiga Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland oo aad u xiiso badan.

Berberanews.com

info@berberanews.com