Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UDHIS oo Qaaddacay Natiijada Guddiga Diiwaangelintu soo saareen

0

Hargeysa-(Berberanews)- Urur-siyaasadeedka UDHIS ayaa qaaddacay, isla markaana waxaan la aqbali karin ku tilmaamay natiijada ay soo saareen Guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka ee Somaliland maanta, taasoo ay ku shaaciyeen inay soo baxeen lix urur,sagaal Urur-siyaasadeed oo UDHIS ku jiraana hadheen.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UDHIS Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhago-weyne) oo maanta shir jaraa’id isaga iyo masuuliyiinta kale ee Ururka UDHIS ku qabteen magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn natiijada Guddiga diiwaangelintu ku dhawaaqday, isla markaana waxa uu ku dooday Ibraahin-Dhago-weyne inay Guddigu sameeyeen caddaalad-darro aan la qaadan karin.

Guddoomiyaha Urur-siyaadadeedka UDHIS ee Guddigu sheegeen in Ururka uu hoggaamiye ee UDHIS ku guul-darraysteen buuxinta shuruudihii looga baahnaa, ayaa Dhago-weyne oo taa ka hadlayaa waxa uu sheegay inuu UDHIS buuxiyey dhammaan shuruudihii lagu xidhay, hase-yeeshee qaab caddaalad-darro iyo wax is-dabo-marin ah lagu reebay UDHIS. Halka sida uu sheegay la soo saaray Ururro aan buuxin shuruudaha oo sharciyadii lagu dhaqmayey si cad u jabiyey.  Waxaanu yidhi Guddoomiyaha UDHIS; “Guddiga nin-baa magacawday, Guddi dhex ah maaha, waxay ku dhawaaqeenna waxaannu aqbalayno UDHIS ahaan maaha.”

“Waxa jiray Ururro intii lixda Gobol la marayey ee tiro-koobku socday dadka kunka qof ah ee laga doonayey inta badan Baabuur ku geynayey oo meel walba dadkooda u sitay, kuwii baa la yidhi way buuxiyeen shuruudihii oo way soo baxeen, UDHIS oo magaalo walba dadkeedu joogay oo aan qofna meel ka soo qaadin ayaa dhacday, markaa waxaannu leenahay annagu kuma qanacsanin mana aqbalayno natiijada Guddigu ku dhawaaqeen.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka UDHIS Ibraahin-Dhago-weyne.

Waxaanu Dhago-weyne sheegay inay go’aan Ururkoodu u dhan yahay ka soo saari doonaan natiijada ay Guddiga Diiwaangelintu maanta kaga dhawaaqeen Hargeysa. UDHIS ayaa illaa hadda inta la ogyahay noqonaya Ururkii ugu horreeyey ee ka hadla natiijada Guddigu soo saartay, isla markaana qaaddacay sharcinnimada iyo caddaaladda Guddigu u kala saareen 15 urur-siyaasadeed oo ka soo gudbay wejigii koowaad ee Shuruudaha Ururrada lagu xidhay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.