Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo ka hadlay wadahadallada Soomaaliya, Dib-u-dhaca doorashada deegaanka, Colaadda Buuhoodle iyo arrimo kale

0

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qaabka ay tahay inay u wadahadalaan Somaliland iyo Soomaaliya, muddo-dhaafka Golayaasha deegaanka, Colaadda gobollada Bari iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Cabdiraxmaan Cirro oo maanta khudbad dheer ka jeediyey Shirweynaha koowaad ee Urur-siyaasadeedka WADANI oo barqadii maanta si rasmiya uga furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu kagaga hadlay arrimo badan oo kala duwan oo ay ka mid tahay xaaladda siyaasdeed ee dalku wakhtigan marayo, waxaanu baaq u soo jeediyey Xukuumadda talada haysa.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ku baaqay in muddo dheeraad ah oo ay xilka siihayaan loo kordhiyo golayaasha deegaanka, isla markaana la cayimo doorashooyinkooda oo uu dalbaday inaanay ka dib dhicin sannadkan 2012-ka. Waxa kale oo uu ka hadlay wadahadallada dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya oo uu Madaxweyne Siilaanyo xalay Guddi farsamo u magacaabay.

Qaybta Khudbaddiisa uu Guddoomiyaha Wakiilladu Cabdiraxmaan Cirro kaga hadlay arrimaha colaadda, siyaasadda doorashooyinka iyo qodobbo kale waxay u dhignayd sidan:- “Colaadaha:

Ururka WADANI wuxuu qabaa in colaaddu tahay cadowga nolasha, nabadda iyo horumarka meel colaadi ka jirto nolali kama jiri karto, sidaas darteed, Colaadi nooc ay tahayba cidna dan uma aha. Xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaamo ka tirsan Somaliland waxaanu qabnaa in lagu soo dabaalo nabad. Waxa haboon in la fahmo inaan colaadi waxba keenayn. Nabadda la iskuma qasbo ee waa mid loo baahan yahay inay dadka ka soo go’do. Waxaynu u baahan nahay in caqligu shaqeeyo oo la ogaado in colaada wiil ku dhinto ee aanu wiil ku dhalan. Colaadi ciil mooyee caano ma leh. Markaa waxaan ku baaqayaa inaynu nabadda ka wada shaqeyno.

Wadahadalka Somaliland/Soomaaliya

Sidaad la socotaan Soomaaliya bulshadda caalamka gaar ahaan wadamadda reer galbeedka ayaa u arkay khatar nabad-gelyo oo caalami ah sida muuqatana raba dalkaasi nabad lagu soo dabaalo. Sidii ku cadayd heshiiskii London waxa caalamku soo jeediyay in Somaliland iyo Somalia wadahadlaan. Wadahadalladaasi waa inay noqdaan mid Somaliland danteeda ku qotoma oo aan gorgortan laga galayn midnimada iyo madax-banaanida Somaliland. Waa in beesha caalamku ay goob joog ka ahaato wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland. Wadahadalkuna wuxuu innoo dhex-mari karaa innagoo ah laba dal oo siman oo la yidhaahdo Somaliland iyo Soomaaliya.

Doorashooyinka:

Ururka WADANI wuxuu aamminsan yahay in doorashooyinku u dhacaan si xaq ah oo xalaal ah, wuxuu aamminsan yahay in la hormariyo nidaamka doorashooyinka oo laga faa’iidaysto waayo-aragnimadeenii hore. Waxa loo baahan yahay in si deg-deg ah loo cayimo xilliga ay dhacayso doorashadda deegaanku oo aanay ka dambaynin dhammaadka sanadkan aynu ku jirno. Golaha Deegaanka ee hadda jooga waa in la siiyaa muddo kordhin kooban oo ku salaysan wakhtiga doorashadda la qaban karo.

Ururadda Siyaasadda:

Ururka WADANI uma arko dhib iyo khatartoona badnaanta ururadda siyaasadda ee tartamaya, waxay fursad qaali ah u ahayd muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo leh damac siyaasadeed. Waxa kaliya oo loo baahan yahay in ciyaarta xeerarkooda la ilaaliyaa. Waxay iigu muuqataa in Somaliland cidi u maqan tahay EEBE idankiina ceelkiina loo qodi doono, taloow yaa qodaya. WADANI baa qodi doona inshaalaahu. Way fiican tahay inuu qofku damac yeesho laakiin waa inaan damacaagu aanu ku xad-gudbin damaca dadka kale.

WADANI waa urur mudakar ah oo ay ka reeban tahay is aflagaadeynta, isceebynta iyo hadalo xanaf-leh. Waxa Ururka WADANI rabaa in walaalahayaga kale ee ciyaarta kula jira in si anshax leh oo waafaqsan xeerarka, mabaa’dida iyo hanaanka ciyaarta siyaasadda ay nala ciyaaraan.Ururadda aanu walaalaha nahay waxaanu leenahay waa la tartamayaaye yaan la idinka badin.

Xukuumadda:

Xukuumadda Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa wixii ku saabsan arrimaha masiirka ummadda in laga yeesho tallo qaran sidii xukuumaddu hore u samaysay ka hor tagitaankii shirkii London. Waxaan xukuumadda u soo jeedinaynaa sii wadista iyo ka midho dhalinta gogasha nabadda ee ay ku dhawaaqday.

Waxaanu ku dhiiri gelinaynaa curinta xeerarka khayraadka dabiiciga ah iyadoo la filayo in Somaliland laga fuliyo mashaariic waaweyn oo lagaga faa’iidaysanayo khayraadka dabiiciga ah waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa inay abuurto fursado shaqo loogu abuurayo Dhalinyaradda Somaliland. Waxaanan aaminsan nahay in muwaadin kastaa si dabiici ah WADANI u yahay waa la odhan karaa urur hebel ma ihi laakiin lama odhan karo WADANI ma ihi.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.