Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlay Saamaynta Shirka Taleex ku leeyahay Qarannimada Somaliland

0

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa shirka Taleex ku tilmaamay fidno la soo wado isaga oo sheegay in gobolada Sool, Sanaag, Cayn ay ka mid yihiin Somaliland.

Guddomiyaha ayaa sheegay in ay tahay khatar ku soo food leh jirtaanka Somaliland, gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal  Cali Waraabe oo toddobadkan dib loogu doortay inuu mar saddexaad si hogaamiye Xisbiga UCID ayaa waraysi uu siiyey xalay Idaacada Afka Soomaaliga ku hadasha ee BBC-da.

Waxaanu shirka Taleex ku timaamay mid lagag soo horjeedo gooni isu-taaga Somaliland oo la doonayo in lagu masaxo shirkii 1991-kii isagoo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi“Horta qodobka ugu weyni waxa weeye Madaxweynaha waxaanu ugu baaqanay inuu qabto shir-wadatashi oo qaran oo waxa nagu soo food leh arrimo badan oo jaanis u leh waddanka. Si looga wadatashado oo siyaasad midaysan lagu waajihi lahaa oo arrimaha dhibaatooyinka ku ah dalka ee in haysta sidii looga wadatashan lahaa ”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,

Waxaanu intaa sii raaciyey Gudoomiyuhu “Shirka Taleex ee Somaliland ka soo horjeeda waa mid la doonayo in lagu masaxo shirkii beelaha reer Somaliland ee ay 1991-kii qabsadeen oo rag waliba saxeexyadaa ku jiray oo kii Borame ku jiray ay horseed ka yihiin oo imika wax nabadgelyo xumo keenaysaa oo dagaal sokeeye keenaysa in la sameeyo. Gobolada Sool iyo Sanaag-na beel qudhi ma degto ee wax wada degan ilaa lix beelood, marka intay beel qudhi shirto beeshu way shir kartaa oo reer ahaan way u wada shiri kartaa. Laakiin masayrka gobolada Sool iyo Sanaag waxay ka mid yihiin Somaliland oo horena beelaha dhulka degan ayaa hore uga shiray, Marka beel qudhi inay tidhaahdo waxaanu samaynaa go’aan ka soo horjeeda kii 1991-kii waxaan u arkaa inay tahay fidno la soo wado ILAAHAY naga qabtee oo nabadgelyadii oo sii xumaanaysaa ayaa ka mid ah oo gooni isu-taagi Somaliland oo siday arrimuhu u socdaan dadka shaki weyn galiyey ayaa ka mid ah musuqmaasuqa ayaa ka mid ah qabyaalada ayaa ka mid ah. Waayo waxa jira waxyaabo badan oo aan jirin berigii hore oo aanu ka yarayn ayaad mooda inay soo kordheen dhawaanahan.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.