Guddoomiye Cirro oo ka hadlay xadhigga Jeneral Doollaal

0

Hargeysa(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDA, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa ku baaqay in lasoo daayo General Jaaamac Maxamuud Aadan (General Doolaal) oo ka mid ahaa Saraakiishii mujaahidiinta dalka usoo huray naftooda, xilligana ka mid ah Saraakiisha hoggaanka sare ee ciiddanka Qaranka Somaliland.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in aannay jirin cid sharciga ka saraysa, isla markaana loo baahanyahay in lagu dhaqmo sharciga oo uu ka sareeyo oo qabanayo Madaxweyne, Guddoomiye Xisbi iyo Genera.

Balse waxa uu sheegay in xaaladda Caafimaad ee General Doolaal laga dayrinayo, sidaa awgeed loo baahanyahay in Mujaahid Doolaal oo tacab badan ku leh dalka, isla markaana ah Nin halgamaa ah in arrintiisa si gaar ah loo eego.

Halkan Ka Daawo Guudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaya arrinta General Jaaamac Maxamuud Aadan (General Doolaal) oo sida uu guddoomiyihu sheegay Carruurtiisu ka dayriyeen xaaladdiisa Caafimaad.