Guddoomiye Cirro oo markii ugu horreysay ka hadlay dhex-dhexaadin ay ka galeen khilaaf u dhexeeyey Siilaanyo iyo Saylici

0

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hoggaamiye u ahaa Guddi Masuuliyiin ah oo isu xil-saartay xallinta khilaaf dibedda u soo baxay oo u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inay khilaafkaasi ku guulaysteen soo afjariddiisa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inay guul ka gaadheen heshiiskaas, isaga oo xusay in waxa la isku hayey ahayd shaqada iyo masuuliyadda hawlaha ay labada masuul Qaranka u hayaan, hase ahaatee dhibaato kale oo badani dhex oollin. “Horta waxa la isku hayey wax kale oo weyn may ahayn, laakiin masuuliyadda ka saaran hawlaha iyo shaqada ay Qaranka u hayaan ayey ahayd.” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

“Waxaannu ahayn Guddi markii aannu maqalnay khilaafkaas isu xil-saaray inay dhex-dhexaadin ka galaan, waxaannu anahayn Aniga (Guddoomiyaha Wakiillada), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Nin kale oo Masuul ah oo Guurtida ka tirsan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Guddoomiye Cirro waxa uu sidaa ku sheegay war uu maanta siiyey Horn Cable TV, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo yidhi; “Aad baannu ugu mahad-naqaynaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland. Markii aannu dhagaysannay labadoodaba waxaannu Guddi ahaan isla garannay inay is ixtiraamaan sidoodiina u wada shaqeeyaan, iyaguna way naga aqbaleen, waanannu uga mahad-celinaynaa Guddi ahaan inay soo jeedintayadii naga aqbaleen, Madaxweyne ku-xigeenkuna shalayba Xafiiskiisii buu u soo shaqo-tagay.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.