Guddoomiye-ku-xigeenka1aad ee Wakiillada oola doortay iyowaraysi lala yeeshay

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta la doortay Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu markii Fadhigii Axaddii Maanta Ku-xigeenka 1-aad loogu doortay uu ka hadlay doorashadiisu siday u dhacday iyo dareenkiisa guusha uu gaadhay Kursigaas oo Mudanayaal kale kula tartameen.

Fadhiga Maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, waxaa fadhiyay 71 Xildhibaan oo ka tirsan 82-ka Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, markii Codaynta oo Gacan-taag ahayd la guda-galay, Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa u codeeyey 50 Xildhibaan, halka Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo la tartamay uu helay 16 Cod, sidoo kale Musharraxa saddexaad ee jagadaa ku tartamayey oo ahaa Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin, ayaa isagu helay hal cod oo keliya.

Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ay jagada Ku-xigeenka koowaad ee uu banneeyey lixdii bishan Baashe Maxamed Faarax oo muddo xilkaas hayey, ka dib markii uu isu sharraxay jagada Guddoomiyaha Golahaas ee uu hadda hayo. Axmed-yaasiin waa Nin dhalinyar ah oo firfircoon, isla markaana laga soo doortay gobolka Awdal, kana soo jeeday Xisbigii dhacay ee UDUB, balse dhawr sano ka hor ku biiray Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye oo uu illaa hadda ka tirsan yahay. Waxaanu 3-da Xubnood ee Shirguddoonka ka dhigayaa inay dhammaan ka soo wada jeedaan Kulmiye.

Waraysi uu Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada loo doortay siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa ka jawaabay su’aalo door ah la weydiiyay,  ugu horrayna su’aal ahayd in Shirguddoon ahaan loo tirin karo inay ka soo jeedaan Xisbiga Kulmiye oo keli ah iyo in mar kale laga yaabo in khilaaf siyaasi ahi soo kala dhexgasho Shirguddoon ahaan, waxa uu ku jawaabay;

“Marka tartanka lagu jiro amma mudanuhu dooddiisa dhiibanayo inuu siyaasad xisbi uu golaha ka dhex fuliyo xaq buu u leeyahay, laakiin markaannu annagu shirguddoon nahay waxa xaq naloogu leeyahay in aannu golaha dhex u noqonno, markay waliba tahay hoggaaminta golaha. Anigu cod baan ku leeyahay golaha markaanan guddoominayn fadhiga ee uu guddoomiyuhu fadhiyo, codkayga xaq baan u leeyahay aragtida aan markaa qabo inaan siiyo.”

“Laakiin, markaan guddoominayo golaha, mudanaha Kulmiye ka soo jeeda iyo mudanaha Waddani ka soo jeedaaba xaq bay u leeyihiin inay helaan caddaalad hoggaamineed. Taana waan u ballan qaaday, waanan fulin doonaa. Khibraddii hore (Dagaalkii shirguddoonka) noogu filan ceeb iyo calaacal ba, waxaan isleeyahay malaha haddii feedh lay qaatana in aanan anigu ridayn baan rejaynayaa.”

Geesta kale, Warbaahinta Somaliland ka hawlgasha qaarkood oo markii fadhiga lagu doortay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad laga soo baxay la kulmay Guddoomiye Ku-xigeen Axmed-yaasiin Sh. Cali, waxay weydiiyeen sida uu yahay dareenkiisa iyo hadafkiisa hoggaamineed ee Golahaas uu ku waajihi doono iyo jawaabaha uu ka bixiyey kuwaas iyo su’aalo kale-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-