Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo is-casilay

0

Waxaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba uu xilkii iska casiley Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa Soomaaliland Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac).

Gudodomiyaha ayaa dhawaan iiday in uu qaado dacwada eededysane Wariye Cabdi Maalik Coldoon,isaga oo sheegay in Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa aysan xaq u laheyn inay qaado dacwadaas.

Garyaqaan Halac ayaa sidoo kale, waxaa uu ahaa garsoorihii 5 sano ee xabsiga ah ku xukumay Boqor Buurmadow, halka uu horey wariye Coldoon ugu xukumay 3 sano oo xarig ah.

Is casilaada Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa ayaa kusoo aadeysa xilli xili la sheegay in laga badelay xilkii gudoomiye nimo ee uu hayay loona badelay garsoore ka tirsan maxkamada rafcaanka,hayeeshee uu sheegay in uu xilkii guddoomiyenimo uu iska casilay.

Halkan Ka Daawo :