Guddoomiyihii shirkadda Microsoft ee Africa oo loo magacaabay Raysal-wasaaraha ku-meel-gaadhka Mali

0
Cheick Modibo Diarra,

Mali-(W/wararka/Berberanews)- Cheick Modibo Diarra, Guddoomiyihii Shirkadda ugu weyn samaynta qalabka kombuutarka , ayaa loo magacaabay Raysal-wasaaraha ku-meelgaadhka dalka Mali, si uga caawiyo ciidammadda Afgembiga ku qabsatay dalkaas dhawaan xasiloonida iyo nidaamka sharci.

Cheick Modibo Diarra oo hore uga hawlgeli jiray shirkadda Duulimaadka Maraykanka ee NASA, ayaa sida lagu faafiyay war-saxaafadeed kaga akhriyay Telefiishanka Qarannka Mali waxa toodbaadkii tegay loo magacaabay Raysal-wasaare.

Cheick Modibo Diarra,

Hggaamiyayaal ka tirsan Milateriga dalka Mali, ayaa dhawaan afgembi milateri kula wargeegay dalka bishii hore, kuwaasoo xukunka u dhiibay Madaxweyne shacaba  ku-meel-gaadhka ah ee  Mali Dioncounda, waxaanay hoggaamiyayasha Milaterigu sheegeen inay door muhiima ka ciyaari doonaan hoggaaminta dalka.

Tan iyo intii Milaterigu afgembiga ku qabsaday talada Mali waxa soo if-baxay xaalad kacsanaan siyaasadeed ah oo soo foodsaartay dalkaas, iyadoo kooxaha gooni u goosadka Waqooyiga Mali ku dhawaaqeen Madaxbannaani.

 

Ciidammada Milateriga, ayaa xabsiga ku guray daraasiyiin siyaasiyiina oo ay u arkayeen kuwo suul-daarayn kara xoogga Milaterigu kula wareegay dalka Mali, kuwaasoo qaar ka mid ah haatan laga sii daayay xabsiyadda, ka dib caddaadis caalamka kaga yimi.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com