Gudoomiihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday Dhaawacii kasoo gaadhay Qaraxa

0

Garoowe-(Berberanews)-AUN Cabdisalaan Xasan (Gujir) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa goordhawayd u geeriyooday dhaawacii loogu geystay weerar ismiidaamin ah oo caawa lagula beegsaday GAROWE.

Marxuum Cabdisalaan wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliya oo wax kusoo bartay dalka Russia,wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland,sida Taliyaha booliska,Duqa magaalada GAROWE,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xilal kale.

Waxaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland,Tan Gobolka Nugaal iyo Eheladdii iyo Qoyskii uu ifka uga tagey marxuum Cabdisalaan.