Gudoomiyaha Gobolka Sool Oo Xaalad Indho Indhayn Ah Ku Tagay Cusbitaalka Laascaanood Oo shaqo Ka Socoto

0

Maanta oo taariikhdu tahay 10/11/2019 waxaan Kormeer ku tagay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood

Kormeer aan ugu kuur-galayo xaalada dhabta ah ee ka jirta cusbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood ayaan manta kusoo kormeeray, dhakhtarka wayn waxaa laga dareemayay horumar balaadhan oo isa soo taraya maalinba maalinka ka danbeeya, waxaa si rasmi ah shaqadooda u watay dhamaan hawl wadeenada Cisbitaalka iyagoo ku hawlanaa sidii ay ugu adeegi lahayeen dadkii bukaanka ahaa ee xaalada caafimaad u yaalay cisbitaalka

Waxaan aad uu mahadnaqayaa Dhamaan Hawlwadeenada gudanayay waajibaadkooda shaqo oo uu ugu horeeyo Isuduwaha Caafimadka, Agaasimaha Cusbitaalka iyo dhamaan shaqaalaha kala duwan ee cisbitaalka,
Horumarka aad ku talaabsateen waa mid ku dayasho mudan wana idinku amaanayaa
Maalin dhawna waxaynu cusbitaalka kusoo kordhin doona SOLAR System si aynu u helno laydh aynu uga faaidaysano kaas oo baahi wayn uu u qabo Cusbitaalku anagoo fulinayna Siyaasada Madaxwynaha Qaranka
Mudane Muuse Biixi Cabdi taaso ah in baahiyaha asaasiga ah wax laga qabto.

Waxaa si rasmiya iyana shaqada u waday Dhaakhaatiirta aan xududka lahayn oo ka hawl gala cusbitaalka,

Intii aan shaqada kormeerka ku jiray waxaan mid mid isu dul taagay Dadkii bukaanka ahaa ee jiifay waadhadhka iyo Qolalka dhakhtarka waxaan iyagana ALLE u waydiin caafimaad sareeca.

Himiladeenu waa Sool oo ah Nabad & Horumar

Alla Mahadleh
Abdiqani Jiidhe Mohamoud
Gud.Gobolka Sool