Guusha Somaliland iyo Hiilka wakhtiga?Faallo. Saleeban Kalshaale

0

Isbedelka wakhtigu waa girraan si maalinle ah ula wareegta xaaladaha iyo xaqiiqooyinka adduunka ku soo kordha. xaqiiqo ahaana Waa’ kasta oo berya iyo gabal kasta oo dhacaa waxa ay wadaagaan wixii dhacay saacadihii u dhexeeyey labada marxaladood labadooda gelin. hase yeeshee midna midka kale lama wadaago wixii ay qadartu raacisay markii uu shaqada soo galay ee bilaabmay.

Si kale, haddii aynu u tusaalayno shalay iyo maanta waxa ka dhexeeyaa waa magac iyo iftiinka qoraxda oo qudha, xalay iyo Caawana waxa mideeyaa waa mugdiga habeenka, hase yeeshee milayadani isku cimilo, isku duruuf iyo isku doorsi midna ma laha. sababta iyo sar-gooyada dhacdooyinka yimaadana waxa maamulkooda iska leh alle SWT iyo Wakiilladiisa adduunka iyo makhluuqa qaybihiisa kala duwan.

Si’ waayaaha maalinlaha ah lamida ayey sanadaha iyo bilaha loo tiriyaana u kala duwan yihiin, una kala leeyihiin rejjo, rayn-rayn iyo rafaad intaba, wixii laba sanadood dhexdooda yimaadaana waxay noqdaan diiwaanka ay kala dhaxlaan taariikhaha isbedellay.

Sidaasooy tahay, waxa la joogaa wakhti ay muuqdaan astaamo muujinaya isbedello waaweyn oo saameynaya gun iyo baar caalamka, waana xilligan la arko bilowga dhamaadkii cadaawadii gaamurtay, muddada dheer-na soo jirtay ee u dhaxaysa mandaqada Khaliijka Carabta iyo Yuhuuda amma Maamulka Israa’iil ee isku balaadhinaya dhulka Falastiin, soo if-baxa awoodda aan seeska adag ku taagnayn ee Turkiga, kala-gurashada gaashaan-buurta NATO ee ay wadamada Yurub, Maraykanka iyo intii la jaal ahiba milateri ahaan gaboodka u ahayd iyo nuglaanshiyaha Siyaasadda Maraykanka ee labadii qarni ee u dambeeyey adduunka hogaaminaysay oo hadda maraysa marxalad la bililiqaysanayo Sanduuqyadeedii sirta.

Marka laga soo tago musawirrada sida Kaaha cadceed-soo-baxa dunida inteeda kale uga muujinaya isbedellada ka dhacaya, waa amin  ay si gaar ah dabeylaha isbedelku u weedhaaminayaan mustaqbalka Geeska Afrika, una garaacayaan figta u saraysa ee kala-guurka wakhtiga.

Tusaale ahaan, qadar daqiiqad ah jooji shaqada kale oo dhan, kaddib sawirro xaalada dhab ahaan ka jirta gobolka aan ka hadlayno ee Geeska Afrika. Jaleec hoyga qulqullatooyinka iyo qaxarku la degay soddonkii sannadood ee u dambeeyey ee Soomaaliya, u dhaqaaq dhinacyada wadamada  ay deriska yihiin, dadka isirka soomaaliga ah ka soo jeedaana qaybta ka yihiin, waa Kenya iyo Itoobiya oo aanay midkoodna midka kale hadda bixinayn haddii ay dani bado’e. u sii dhaaf dhanka Suudaan, Eritrea iyo Djibouti oo iyaguna ku jira xaalado kala-guur, gilgilasho iyo gulluf siyaasaddeed oo midba gees kaga jiro.

Xiisada Siyaasaddeed ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya waa qadiyad taariikh dheer oolnayd, balse dusha ka dahaadhnayd, hase yeeshee waxa xilligan daboolka ka rogay ee sida ololka dabka cirka u shareeray waa xaqiiqo lagu micnayn karo isku-shaandheynta waayaha, mar kalena waa xaalad laga saadaalin karo inay ka soo if-baxdo falaadha nabsi-baxa gobolka ee soddon sanno jirsatay.

Mustaqbalka dalka Itoobiya waa mid ku xidhan maraynta qulqulatooyinka wajiyada badan leh ee gudaheeda ka aloosan, waana meesha gu’gan sii galbanaya geedi-socodka isbedelladu golxada ka yeesheen. Guriga midowga Afrika looga arrimiyo ee Magaalada Addis Ababa-na wuxuu ku guul-daraystay in uu baajiyo colaad dalkaasi dib-ugu-celisa dagaal sokeeye iyo dawladnimo kagan.

Marka laysku soo uruuriyo waaqica dhabta ah ee ka jira Geeska Afrika, waxa si fiican uga turjumaya natiijada Shirkii todobaadkan lagu qabtay Dalka Djibouti ee ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha wadamada ku bahoobay Urur-goboleedka IGAD, oo ay Somaliland ka maqantahay.

Wuxuu ahaa Shir ku bilaabmay khilaaf, kuna dhamaaday natiijo la’aan, waxaanay ahayd maalin ay banaanka u soo baxday xasilooni-darrada iyo murugsanaanta siyaasaddeed ee ku huursan gobolkan, taasoo iyadu badka isu soo saartay, kaddib markii ay madaxdii ka qaybgashay laba laba isu-qabsadeen, isuna qiil-bixi waayeen.

lixda dal ee ay madaxddoodu kulanka IGAD ka qaybgaleena waa kuwo uu mid waliba gaarkiisa isugu yaqaano ninka aan lagaga daba dhufan ka talinta maslaxada mandaqada, marka laga yimaado hogaamiyaha Dalka fashilmay ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo isagu si’ ujeedo badan ah u carsha-carsheeyey xidhiidhkii ka dhexeeyey Dawladda Kenya ee abaalka weyn ku leh  Dadkiisa iyo dalk uu maamullo ee Soomaaliya, laakiinse talaabooyinka uu xidhiidhka ugu gooyey Nairobi aan wax taageero ah uga helin shirka, canaan iyo dhaleecayn mooyaane.

Haddaba, Somaliland oo ah dalka qudha ee ilaa iminka ka bad-qaba gobolkan hullaaqaya, tan iyo markii ay xornimaddeeda la soo noqotayna dedaal ugu jirtay adkaynta iyo horumarinta dawladnimaddeeda, isla markaana sanadkan soo gelaya u dabaal-degaysa 30-guurada ka soo wareegtay markii ay madaxbanaanideeda la soo noqotay, ayey giraanta wakhtiga ee wareegaysaa u muuqataa mid soo gaadhay xilligii ay ka run sheegi lahayd qadiyaddeeda, kana jawaabi lahayd dalabka aqoonsigeeda ee ay dunida kale ka sugayso dhawaaqiisa Wadamada bariga, badhtamaha iyo baalaha Afrika.

Saansaanta arrintaasina waxa inoo bidhaaminaya sida ay jaanta isula heleen dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyaddeed ee ay Xukuumadda Somaliland waddo, duruufaha ka ooggan mandaqada iyo  talaabooyinka togan ee ay dalalka gobolka qaarkood u qaadeen sida dhiirashada leh, iyadoo ay dabada ka riixayaan duruufo ku khasbaya in ay Somaliland Iskaashi dhab ah iyo saaxiibtinimo diblomaasiyaddeed la yeeshaan.

Ugu dambeyn, dareenka dadka wax saadaaliya ee Somaliland wuxuu qaba in wakhtiga dulun-dulcaynaya ee isbedellada gobolka ka socda kala haadinayaa uu u hiilin doono qadiyada Qaranimada JSL, waxaanad mooddaa in curashada sanadka 2021 uu yahay kii ay Somaliland kaga baxaysay go’doonka siyaasaddeed iyo ictiraaf la’aanta.

Sidaasi darteed ayey lama huraan tahay in xukuumadda Madaxweyne Biixi xasiloonida gobolka hogaaminaysaa saddex jibaarto deddaallada diblomaasiyaddeed ee ay qaarada Afrika iyo caalamka intiisa kaleba ka wado.

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Soo saareyaasha Dawan Media

Email: curad1986@hotmail.com