‘Haatuf iyo Xukuumaddu waxay isku dilayaa waa dano dhaqaale ee maaha shaqadii warbaahineed’ – Saleebaan Xuquuq

0

Afhayeenka ururrada Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Xuquuq

Hargeysa-(Berberanews)-Ururrada Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, ayaa ka hadlay kiiska u dhexeeya xukuumadda iyo wargeyska Haatuf ee ciidammadu boolis xayireen xaruntiisii dhawaan.

Afhayeenka ururradaasi Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan Xuquuq) oo isaga iyo xubno kale oo wehelinayey shir jaraa’id ku qabteen xafiiskooda magaalada Hageysa maanta, ayaa sheegay in sababta keentay xadhigga Haatuf tahay dano dhaqaale oo dhexmaray xukuumadda, isagoo ku dooday in aanay la xidhiidhin shaqada saxda ah ee warbaahineed, sidaasi darteedna aanay u doodi karin ururro ahaan.

Haseyeeshee, waxa uu xusay in aan xayiraada shaqada wargeysku xal ahayn ee loo baahan yahay in la fasaxo, isla markaana lagu oogo dacwad loo qaado si caddaalad ah.

Saleebaan Xuquuq

Qoraal dheer oo uu shirkaasi jaraa’id ka akhriyey Saleebaan Xuquuq, waxa qaybo ka mid ahi u dhignaayeen sidan;

“Waxa noo muuqatay in labada dhinac (Haatuf & xukuumadda) muranka u dhexeeya ee keenay in la xayiro shaqadii warbaahineed ee wargeyska aanay la xidhiidhin shaqo warbaahineed iyo madaxbanaanideed ama aanay ahayn warbaahin gudanaysa masuuliyaddii bulsho (social responsiblities) oo ku socota milgihii anshaxa suubban ee saxaafad tooshka ku iftiimisay falal musuqmaasuq oo ay ku kaceen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Macdanta.

Haseyeeshee, sida ku cad dhukumenti ay heleen difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland waxa la isku dilayaa waa dano dhaqaale oo la xidhiidha hawlaha sahaminta shidaalka iyo qandaraasyada dhulka laga baadhayo.

Baadhitaanka difaacayaasha xuquuqda aadamiga waxa ka soo baxay in shirkad ka shaqaysa baadhista macdanta oo lagu magacaabo Boulle Mining Group oo uu ugu magacaaban yahay wakiilkooda Somaliland Mr. Yusuf Cabdillaahi Cumar, ninkaasi oo ka mid ah ashkhaasta faro-ku-tiriska ah ee dalka Somaliland laga ixtiraamo oo tacab hore u galiyey, isla markaana mulkiilaha Haatuf oo ay qaraabo dhow yihiin uu qoraal codsi shidaal-baadhis ah ula tagay Wasiirka Macdanta, kaasi oo isna ishortaagay, arrintaasina ay keentay in Wargeyska Haatuf bilaabo qoraallo aargoosi ah oo ka dhan ah Wasiirkaasi.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay walaac ka muujinayaan qoraallada ay baahisay warbaahita Haatuf  in uu gabi ahaanba dibada ka ahaa anshaxa iyo milgaha aasaasiga ah ee saxaafad ka soo baxda dal muslin ah, gafaf lid ku ah anshaxa iyo xeerka saxaafada, kan xuquuqda aadamiga ee dastuurka Somaliland jideeyay, kitaabka QURAANKA KARIIMKA ah iyo xadiiska rasuulkeena (NNKH), kuwaas oo qaarkood lagu dilayo magacsamida iyo karaamada uu Alle siiyay qofka aadamiga ah ee muslinka ah iyo aflagaadooyin la mid ah oo dhinaca cirdiga ah.”

“Waxa kaloo Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland hoosta ka xariiqayaan in dagaalkan u dhexeeya xukuumada iyo Haatuf uu dalka Somaliland uga dhigan yahay bilowga saamaynta taban ee ku lammaan hawlaha shidaal-baadhista iyo sahamintiisa oo xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo intii talada ay haysay dadaal xooggan u gashay sidii ay uga midho-dhalin lahayd soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee kala duwan ee dalkeena ku duuggan oo uu ay ugu horreeyaan shidaalka, gaaska iyo macdanaha.

Haseyeeshee, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan xalka kiiskani inuu ku jiro dacwad si madani ah loogu oogo madaxda ama maamulka wargeyska, balse aannu ahayn in gebi ahaanba la xayiro shaqadii soo bixida wargeysyadaasi. Waxaannuna ku baaqaynaa in fursad loo siiyo iska difaacidda dacwadda iyo inay qabsadaan qarreenno u dooda.”

Talo-soo-jeedin:

1. Waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda iyo golayaha sharci-dejintu inay sameeyaan shuruuc iyo siyaasad horumarisa saxaafadda oo aan lagu cabudhinayn, kana ilaalisa warbaahinta in aanay maslaxadda ummadda waxyeelayn

2. Waxaannu ugu xukuumadda inay xayiraada ka qaado wargeyska xidhan, gaar ahaan warbaahinta Haatuf haddii ay ka waantoobayaan baahinta wararka iyo faalooyinka anshaxa saxaafadda ka baxsan, waana in fursad la siiyo sharciga dalka si uu uga garnaqo kiiskaasi.

3. Waxaannu u soo jeedinaynaa ururrada caalamiga ah ee xuquuqal-insaanka iyo kuwa u dooda saxaafadda madaxbannaan in aanay dhiirigelin warbaahin dano gaar ah lagu fushannayo oo aan ummadda si dhex ah ugu adeegayn,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-saxaafadeedkaasi.