Habeenku dhimanayay ayuu ila soo hadlay Lixle” Mujaahid Dhegaweyne

0

Hargeysa-(Berberanews)-“Caawa waxaynu halkan isugu nimo buug laga qoray Taariikhdii halgamaagii weynaa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), anigu waxaan u aqaaanaa aabihii halganka inuu ahaa” Mujaahid Ibraahin Dhegaweyne.

” Maalintuu Lixle dhintay waxa nagu dhacay laba dagaal oo waa wayn ( laba abudh), Midna dhanka dawlada ayuu ka yimi oo waa kii Lixle lagu dilay oo Buracaduuray ayuu ka dhacay.
Midna xaga sarre ayaa nalagaga soo qaaday oo Ciidagale ayuu ku dhacay oo xaga sare laga soo weeraray. Maalintaa waxa naga dhintay 50 nin in ka badan. Dhamaana waxa lagu wada aasay magaalada Rabaso , hadalkii Silaanyo ee ahaa SNM waa wada Lixle ayaanu kagasoo kabanay naxdintii aanu ka qaadnay dilka Lixle “.Muj: Ibraahim Dhagawayne.