Hadallo kala fog oo ay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Somaliland ka yidhaahdeen xidhidhka ka dhexeeya

0

Hargeysa-(Berberanews)- Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay meesha ka saartay khilaaf siyaasadeed hoose oo bilihii u dambeeyey laga dareemayey inuu u dhexeeyo Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dabayaaqadii sannadkii hore muujiyey khilaaf siyaasadeed oo dhexmaray Somaliland Jabuuti, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Wefti uu hoggaaminayaa shalay safar ku soo mareen, kulankaas oo ay kaga wadahadleen arrimo kala duwan.

Inkasta oo khilaafka labada dawladood soo shaac-baxay, ka dib markii bilihii u dambeeyey sannadkii 2011 uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waraysi uu siiyey Wargeys Luuqadda Faransiiska wax ku qora uu ku sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland yahay mid lagu deg-degay. Hase yeeshee, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay dalka ku soo laabtay ka dib markii uu isu soo maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxa uu sheegay inay kulan yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu xusay inay saaxiibtinnimo iyo xidhiidh dhaw leeyihiin, isla markaana ka wada hadleen arrimo dhawr ah.

Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo qolka nashada garoonka diyaaradaha ee Hargeysa Weriyeyaasha kula hadlay markii uu soo degay ka dib, ayaa su’aal laga weydiiyey kulan uu isla shalay magaalada Jabuuti oo uu soo maray kula yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo waxay kaga wadahadleen, waxaanu ku jawaabay; “Jabuuti waxaannu kala kulannay Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle, Jabuuti oo ah dal aynu jaar nahay oo saaxiib nahay, maanta (shalay) ayuun baannu qayb joognay, waxaanannu ka wadahadalnay danaha dalalka Jabuuti iyo Somaliland iyagana si wacan baannu isugu af-garannay, wax dhibaato ah oo inna dhex-yaallayna ma jirto innaga (Somaliland) iyo dawladda Jabuuti..”

Madaxweynaha su’aashaa wax ka dambeeyey oo su’aalo ah lama weydiinnin, manuu faahfaahin Md. Siilaanyo in ay Madaxweynaha Jabuuti isla soo qaadeen ama ka wadahadleen hadalka dareenka dhaliyey ee ka soo yeedhay Madaxweyne Geelle, hase-yeeshee, waxa uu Madaxweynaha Somaliland hadalkiisa ku sheegay inaanay jirin dhibaato dhex-taallada Somaliland iyo Jabuuti. Iyada oo hadallada ka soo yeedhay Geelle ay shacabka reer Somaliland badi nabarka uu ku reebay dhaymihiisa oo aan mugdi ku jirin ka sugayeen Madaxweynohooda marka ugu horreysa ee ay suuragal u noqoto inay is horfadhiistaan, maaddaama oo aanay dawladda Somaliland hadalkaa iyo saamaynta uu yeeshay midna waxba aanay ka odhan ama shacabkoodaba ka shaafiyin.

Bal haddaba, aynu dib u milicsanno kalmado ama weedho ka mid ah hadalka xanafta lahaa ee ka soo yeedhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle, oo Todobaadkii u dambeeyey bishii 11-aad ee November sannadkii 2011-kii waraysi uu siiyay Wargeys ku soo baxa Luuqadda Faransiiska oo la yidhaahdo Jeune Afrique, ku sheegay in Madax-bannaanida iyo gooni-isu-taagga Somaliland lagu deg-degay, isla markaana aan dalkiisu aqoonsi u fidin doonin Jamhuuriyadda Somaliland. “Somaliland gooni-isu-taaggeeda waa lagu deg-degay…..Waa degdegeen, waxaanay iska sameysteen Calan iyo lacag, waxay iskaga dhawaaqeen dal, waa gaadhigii oo ay ka hor mariyeen dameerkii jiidayay..” sidaa ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle oo sii faahfaahinayay mawqifka dalkiisa ee ku waajahan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay in dalkiisu aanu u oggolayn Somaliland, waxaanu yidhi; “..Waxaannu u oggolaannay in Paasaboorkooda ay dalkayaga ku soo galaan iyo in ay cid metesha halkan u soo dirtaan, waxse intaa dhaafsiisan uma qaban karo..”

Si kastaba ha ahaatee, arrimaha heerkaa gaadhay ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ay badi bulshada uu Madaxweynaha u yahay ka sugayeen haddiiba ay u suuragashay inuu si cad oo ay kaga bogsadaan nabarrada ay weedhaha Geelle damqeen, kama shaafiyin shacabkiisa iyo Saxaafadda toona.

Inkasta oo hadalka uu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay inaanay wax dhibaato ah oo Somaliland iyo Jabuuti u dhexeeyaa jirin la odhan karo qaab siyaasi ah oo waxa hore ee qaldamay oo la sheegay inuu ka dhashay safar Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayaa isla bishaa November 2011 ay Jabuuti kaga yimaaddeen iyo halka hadda wax marayaan-ba lagu hadoodilayo, si aan dhinacyo kale ugu arag in khilaaf ka dhex dhacay amaba ka dhex jiro wakhtigan labada Jamhuuriyadood ee Jabuuti iyo Somaliland oo tan iyo markii Madaxweyne Siilaanyo xilka qabtay laga dareemayo isu soo dhawaansho dhinacyo kala duwan taabanaya oo inteeda badan loo arkayey-ba inuu muujiyey Ismaaciil Cumar Geelle. Laakiin si kasta oo wax u dheceen-ba waxa la dhawrayaa sida dhibaato iyo turxaan la’aanta uu Madaxweynaha Somaliland sheegay ay uga hirgasho dhinaca dawladda Jabuuti.

Xigasho Wargeyska Ogaal.