Hal qof oo lagu dilay deegaanka Ceel-af weyn

0

Ceel-afweyn-(Berberanews)– Hal qof ,ayaa lagu dilay deegaanka Ceel-af weyn oo hoos yimaada ee gobolka Sanaag, taas oo keentay inay dadkii deegaanku ka naxeen maadaama oo muddo dhow uun la dhameeyey dilal beeleed ka dhici jirey deegaankaasi.

Tan iyo intii ay culimadda Somaliland soo afjareen colaadii labada beelood ee deegaanka Ceel Afweyn ka jirtay muddo laga joogo shan bilood waana dilkii kowaad ee beelahan dhexdoodda ka dhacda.

Sidoo kale, Xukumada Somaliland ayaa iyadu ka hadashay maanta dilkaasi ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn, iyadoona Xukuumadu sheegtay in si deg deg ah ay gacanta ugu soo dhigi doonto gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

Madaxdhaqameedka Deegaanka Ceel-afweyn ayaa iyaguna ka hadlay dilkaas.