Halkuu ku danbeeyay markabkii la la’aa ee Berbera ka goostay?

0

Berbera-(Berberanews)-Muddo affar maalmood ah waxaa la la’aa markab ganacsi u siday Somaliland oo taagnaa Dekedda Berbera, balse isagoo aan alaabtii uu siday laga dejin ka dhaqaaqay halkaas.

Mudadaas oo raacdo loogu jiray Markabkaas, ayaa aakhirkii la igaaday meesha uu ku suganyahay.

Guddoomiyaha Ganacsatada Somaliland Axmed Ciise Shiine, ayaa ka warbixiyay wakhtigii markabku Berbera yimi iyo goortii la waayay, “Markabkaasi wuu jiraa wuxuu soo galay Dekedda Berbera 30kii bishii lixaad. Sida ay noo sheegeen Maamulka Dekeddu waxaa markabkaas la waayay oo ugu danbaysay shantii bishii todobaad affartii subaxnino, waana la la’aa illaa iyo maalintaa: ayuu yidhi Shiine oo u warramay Bulsho Tv.

Guddoomiyaha Ganacsatada Somaliland, ayaa ka hadlay qaabka ay uga hawlgaleen iyo goobta uu markabku ku suganyahay haddda, isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa yidhi, “Markaa baadhitaan iyo daba gal dheer maadaama aanu anagu ahayn masuuliyiintii ganacsatada iyo masuulliyiinta Dekedda iyo ganacsatada dhammaantayo waxaannu ka wada hawlgalay sidii markabkaa meel aanu ugu ogaan lahayn, muddo shan maalmooda baanu dabagal ku haynay markabkaas sidaasay xaaladdiisu tahay imikana waxaannu ogaanay oo soo xaqiijinay xalay inuu ku xidhay Dekeddii Dubai oo dub ugu noqday halkaasaanu warkiisa ku ognahay imika, waxaannaan samaynay isku dayo badan oo aanu ku doonayno inaan markabkaasi dhaafin Dubai, anagoo khibrad u leh maraakiib hore oo alaabooyon la soo saaray dub ula noqday ama dhexda ka baydhay oo la goostay. Maareeyaha dekedda iyo masuulliyiinta ay khusaysoo dhan baa nagala hawlgalay qoraalkiina saaka ayaanu u dirnay dekeddii Dubai iyo ganacsatadii xaggaa ka soo rartay markaa markabkaasi wuxuu joogaa Dubai.”

https://youtu.be/RbDJ3K3cXuE

Waxaanu Qalabka saadaasha Hawada ku wareejinay wasaarada horumarinta Beeraha oo qaranka uga masuul ah barnaamijka cimilada iyo Saadaasha Hawada.

Agaasimaha guud ee Wasaarada horumarinta Beeraha Rooble Cabdi muuse iyo farsamayaqaano ka tirsan waaxdaas ayaanu ku wareejinay qalabkaas oo muhiim u ah wadankeena guud ahaan.