Handaraabka Geelle Arab : Baroortu Orgiga ka weyn

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in ruqsaddii lagala noqday Integrated shipping Services, kadib markii sida wareegtada lagu caddeeyey ay shirkaddaasi ku xad-gudubtay shuruucda dalka, isla markaana ay Dekedda Berbera soo geliyeen Roba Megersa oo ah Madaxa Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise ee dalka Itoobiya, iyadoo aanay arrintaas dowladdu waxba ka ogayn.

Wasiirka Wasaaradda  Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wersheddaha Somaliland , Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sidaa ku sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskisiisa oo ku taariikhaysan 14 July 2021.

Qoraalka wasiirka laguma sheegin sababo maangal ah oo keeni kara in shirkadda ruqsadda lagala noqdo.
Meesha waxa ka muuqata 2 qodob uun inay jiraan cadho maamul iyo masuuliyad darro dawladeed oo dhinacyada xukuumaddu ku degdegeen.

Tallaabada dowladdu qaadday waxay u muuqataa masuuliyad daro, waxa u sii raaca aqoon darro gaar ahaana Wasiirka Ganacsiga ee soo saaray qoraalkan.

Madaxa shirkada maraakiibta Ethiopia waa masuul yimi dal wax badan ka dhexeeyo Somaliland, manuu ahayn qof shicib ah oo ogolaansho la’aan dalka ku yimi.

Haddaba BAROORTU Orgiga ka weyne, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir Saajin, ummada ha u cadeeyaan hadafkooda? hadaanay ahayn shirkad kale ayaa wakiil u noqonaysa maraakiibta Itoobiya ee meesha dhaafiya qolada hore Inna Geele Arab?

Xataa haddii shirkaddu ka yara dulbooday maamulka dekedda sabab kastaa ha ku kelliftee. Arrintuna waxay ku soo ururaysaa isa seeg si fudud loo xallin kari lahaa.

Qorayaasha Berberanews.com
Email, info@berberanews.com