Hargeysa (Berberanews)- Saraakiil ka socda xafiiska Hanti-dhawrka guud ee qaranka Somaliland, ayaa galabta baadhis ka bilaabay xarunta dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, iyada oo aan hawlgalkaas iyo waxa hadda kiciyey hanti-dharka midna la sii ogeyn.
Hanti-dhawrka guud xubnaha ka socday, waxay albaabbada u laabeen badi xafiisyada dakhli-ururinta iyo xafiisyadii kale ee ay ka hawlgeli jireen masuuliyiinta dowladda hoose oo ay ku jiraan xafiisyadii Maayarka, Ku xigeenka Maayerka iyo Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose.