Hanti-dhowrka oo 72 saac u qabtay Wasiirka Warfaafinta

0

Muqdisho-(Berberanews)-Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya, ayaa muddo 72 saacadood ah u qabtay Wasiirka Warfaafinta Somalia inuu kaga noqdo tallaabo uu ku bixiyay qayb ka mid ah Tiyaatarka Qaranka.

Hanti-dhowrka, ayaa Wasiir Dubbe ku eedeeyay, inuu si cad ugu xad gudbay nidaamka dowliga ah islamarkaana uu sifo sharci darro ah ku bixiyay qeybo kamid ah dhulka tiyaatarka qaranka.

War-saxaafadeed kasoo baxay hanti dhowrka ayaa lagu faray wasiirka warfaafinta inuu si degdeg ah usoo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo heshiiskii ay wasaaraddiisu la gashay shirkad gaar ah oo lagu wareejiyay dhulka tiyaatarka.

Hanti dhowrka guud wuxuu u digniin u diray cid kasta oo katirsan hay’addaha dowladda, oo isku dayda in ay heshiis baalmarsan dastuurka iyo nidaamka dowliga ah ku maamusha hantida qaranka.