Hargeysa 1960 Vs Hargeysa 2021

0

Taariikh yaab leh baa Hargeysa soo noqotay.
Bishii Feeberweri, 1960, waxa Hargeysa loo dareeray doorasho Barlamaan. Waxa degmada laga dhiibtay 28 000 oo cod. Xisbiyadii SNL, NUF, USP ayaa ku tartamayay. Codadkaa Hargeysa, 2 488 ka mid ah waxa helay Maxamed Biixi Shuuriye (oo xisbiga SNL ahaa, beesha Gabooyana ku abtirsada), codkaas oo gobolka ka ahaa 8.8%. Yacnii, boqolkii qof ee maalintaa codeeyayba, 9 qof baa Shuuriye ugu riday.
Xalay waxa lagu dhawaaqay kursiyadii Wakiillada Maroodijeex ee doorashadii bishii Meey, 2021. Gobolka waxa laga dhiibtay 263 000 oo cod. Waddani, Kulmiye, iyo UCID ayaa ku tartamayay. Barkhad Jaamac Batuun (oo xisbiga Waddani ah, beesha Gabooyana ku abtirsada) ayaa helay 20 231 oo cod, codkaas oo gobolka ka ah 7.69%. Yacnii, boqolkii qof ee maalintii dhawayd codeeyayba, 8 qof baa Batuun ugu riday.
Taariikhdu way isa soo celisaa!
Qore:Aw Guud-cadde